Qiso Xikmad Leh: Haddii 25 Sano Oo Tacab Iyo Daal Ah Kadib, Aan Ku Soo Noqonayo Uun Xaalka Aan Joogu Imika, Maxaa aan Daal Ahayn Ee Aan Korodshaday?

0
2647

Hargeysa (Geeska)- Nin dalxiise ah ayaa dalka Mexico u dalxiis tegey, waxa uu arkay dad reer Mexico ah oo ah kalluumaysato gudaha dalkooda uun ka shaqaysa, laakiin kalluunka ay soo qabanayaan uu yahay mid aad u tayo badan oo ah noocyada dunida laga jecel yahay. waxa uu weydiiyey, “Waqti intee le’eg ayaa uu kalluumaysigu idinka qaataa” Waxa ay u sheegeen in uu waqti aad u yar ka qaato. Kadib waxa uu weydiiyey, “Maxaa idiin diidaya in aad waqtiga kalluumaysiga badisaan. Si kalluun inta imika ka badan aad u qabsataan?” Kalluumaysatadii waxa ay dalxiisihii u sheegeen in waqtigaas yari ku filan yahay oo ay ka helaan dhaqaale ay ku dabbari karaan noloshooda iyo nolosha qoysaskooda!.

Dalxiisihii waxa uu kalluumaysatadii deegaanka weydiiyey, waxa ay waqtiga badan ee u soo hadhay ka shaqeeyaan, waxa aanay ugu jawaabeen, “Waa aanu seexannaa oo nasannaa waqtiga badankiisa… waxa aanuna helnaa waqti aanu la qaadanno qoysaska, oo carruurta aanu maaweelinno waxna la cunno. Inta badan waqtiyada galabtiina waxa aanu isugu wareegnaa booqasho iyo salaan aanu ugu tagno ehelka iyo asxaabta. Mararka qaarkoodna habeenkii waxa aanu isugu nimaadnaa ciyaaro iyo maaweelo dhaqameed.

Dalxiishii ayaa isaga oo yaabban weydiiyey, “Anigu waxa aan cilmiga maamulka ku haystaa shahaadada Masters ka oo aan ka qaatay jaamacadda HARVARD ee dalka Maraykanka. Markaa waxa aan idinka caawin karaa wax badan oo ah horumarinta kalluumaysiga iyo wax-soo-saarka” markii ay weydiiyeen talada uu u hayana waxa uu ku jawaabay, “Marka koowaad waa in aynu ugaadhisga waqtigiisa badinaa, kadib kalluunkaas badan ee aad soo saartaan wixii suuqan Mexico ka badan waxa aynu u dhoofinaynaa dibadda dalka. Waa aynu is abaabulaynaa oo wadajir ayaa aydun u shaqaysanaysaan una wadaagaysaan wax-soo-saarka, lacagta ka soo baxda ee hore waxa aad ku iibsanaysaan doonyo iyo maraakiibta kalluumaysiga”

Dadkii waxa ay ninkii weydiiyeen kadib maxaa xiga, waxa aanu ugu jawaabay, “Marka aad noqotaan shirkad weyn oo kalluunka dhoofisa oo hanti iyo qalab badan oo kalluumaysi leh, waxaa idiin soo tartami doona warshadaha dunida ee kalluunka ka shaqeeya. Dakhli badan ayaa idin soo geli doona, tuulahan inta aad iskaga tagtaan ayaa aad u guuri doontaan caasimadda Mexico, ama caasimadaha kale ee dunida sida Washington iyo New York idinka oo hanti iyo lacag leh oo nolol raaxo badan haysta idinka iyo ubadkiinuba.

Kalluumaysatadii ayaa dalxiisihii weydiiyey, “Waqti intee le’eg ayaa hawshani ku dhamaystirmaysaa, oo midhaheedaas u dambeeya lagu gaadhi karaa?” waxa uu ugu jawaabay, “Labaatan ama illaa Shan iyo Labaatan sano” Kadib waxa ay weydiiyeen, markaa maxaa xiga. Inta uu dhoolla caddeeyey ayaa uu ugu jawaabay, “Marka ganacsigiinu aad u weynaado, waxa aad saamiyo ku darsan doontaan sayladaha adduunka, Malaayiin doolar ayaana aydun saacado ku faa’idi doontaan”

Dadkii deegaanka ee kalluumaysatada ahaa iyaga oo yaabban ayaa ay ninkii haddana weydiiyeen, “Malaayiin doolar. Markaa lacagta intaas le’eg maxaa aanu ku fali doonnaa”

Waxa uu ugu jawaabay, “Marka aad intaa heshaan, inta aad hawlgab noqotaan  ayaa aydun iska nasan doontaan, nolol deggen oo buuq iyo dhib aan lahayn ayaana aydun ka raadsan doontaan tuulihiinan xeelliga badda ku yaalla, hurdo, ciyaar, maweelo ayaad ka dhergi doontaan qoysaskiinana waqti fiican ayaa aad la qaadan doontaan. Saaxiibbadiin iyo dadka ehelkiina ahna waqti ayaa u heli doontaan”

Kalluumaysatadii ayaa ugu jawaabay dalxiisihii, “Annaga oo aad kuu ixtiraamayna, kuna qaddarinayna, waxa aanu kuu sheegaynaa in sheekadaadii dheerayd ee daalka iyo tacabka badan aad soo marisay ay ku soo dhammaatay uun halkii aanu joognay. Markaa intan aad leedahay sannado badan kadib ayaa idinka oo daalay aad ku soo noqon doontaan waa inta aanu imika annaga oo xoog ah samayno iyo sida aanu hadda u nool nahay. Sidaa awgeed waxa ay su’aashu tahay, waa maxay sababta caqligalka ah ee aanu muddo 25 sano ah daal iyo tacab u gelayno annaga oo ku dambaynayna uun halkii aanu ka dhaqaaqnay oo ah halka aanu hadda joogno”