Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Sheegato Waxyaaladeeda Ka Badan

0
785

Picture7Maanta Waxa ku eeg ama ku dhamaaday xilkii Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa loo doortay iyo hal bil oo loogu talo galay inuu ku diyaariyo xilwareejinta,.

Hadaba bal aynu qiimayno inaga oo is barbardhigayna wax qabadkii iyo waxyeeladii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee wakhtigu ka dhamaaday.

Waxa dhab ah oo aan lays diidsiin Karin inay xukuumadu wax badan qabatay waxaana ugu muhiimsan oo la xusi karaa

1.Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxay ku guulaystay inay lacagtii Giin baarka ahayd ka badasho Gobolka Togdheer iyo meelo ka mid ah gobolada bariga

2.In kasta oo hore looga shaqeeyay oo ay miiska sarnayd waxay ku dhiiratay inay qaybiso darajadii Ciidamada

3.In kasta oo uu beenoobay balanqadkii kulmiye ee ahaa in mushaharka la kordhin doono 300%  hadana yeelakadeede waxa la kodhiyay 100%

4.Wasaaradaha intooda badan waxa loo dhisay dhismayaal casri ah oo bilicsan

5.Wax kasta oo laga sheeg-sheego waxa la sameeyay laba Madaar (Hargeysa iyo Berbera) oo aan waxba ka dhicin Madarada caalamiga ah, waxaad u qushuucaysaa ama naftu dareemaysaa kalsooni marka aad aragto qalabka iyo sida amniga loo sugayo.

6.Waxa la dhagax dhigay wadooyin badan oo beelaysan oo wada qabyo ah, Wadooyinka tayadoodu liidato iyo mashaariicda kale ee laga hirgaliyay magaalooyinka gobolada iyaga waxqabadkooda waxa iska leh Maayorada iyo Golayaasha Deegaanka.

Runtii waa waxqabad la taaban karo waa talaabo wacan oo xaga hore loo qaaday.

Bal iyagana aynu eegno qaar ka mid ah dib u dhaca dawlada madaxweyne siilaanyo dalka u horseeday”

1.Xukuumadu waxay qaybisay ama wiiqday midnimadii, wada jirkii iyo is aaminaadii Bulshada

2.Waxa si ku talo gal ah loo carqaladeeyay hanaankii iyo gedi socodkii dimuqraadiyada, waxa hoos u dhacay sumcadii Somaliland ku lahayd beesha caalamka

3. Madaxweyne siilaanyo waxa uu ogolaaday in la boobo hantida ummada, waxa la kala iibsadaa guryihii iyo dhulkii shacabka, waxa dilaaliin ka ah Wasiiro iyo saraakiishii loo xirlsaaray inay ilaaliyaan

4.   Waxa meel laga naxo maraysa tayadii waxbrashada dugsiyada dawlada, waxa la dayacay noloshii macalinka, waxa faraha ka baxay Waxbarashada gaarka ah caruurta waxa lagu ababiyaa manhajiyo dalal shisheeye laga soo waariday, Xukuumadu waxay daawanaysaa Jiilal dhan oo loo jihaynayo meelo kale5. Xukuumada Madaxweyne siilanyo waxay lumisay saaxiibo badan oo ay Somaliland ku lahayd gobolka gaar ahaan kuwii aynu isugu dhawayn

6.Waxa si aan rasmi ahayn loo laalay Dastuurkii iyo qaar ka mid ah shuruucdii dalka, masuul waliba wuxuu wax u maamulaa sida ay la noqoto

7. Xukuumada madaxweyne Siilanyo waxay madmadaw gelisay rajadii iyo mustaqbalkii ummada ee soo ifayay.

Si kastaba ha ahatee qodob kasta oo ka mid ah qodobada kor ku xusan uma dhigmo waanu ka qaro weyn yahay dhamaan wax qabadkii Madaxweyne Siilaanyo sababta oo ah qodob waliba wuxuu taabanaya qaranimada Somaliland sidaa daraadeed waxa inoo soo baxay in talaabo kasta oo hore loo qaday in laban dib loo noqday. Waxa hubaal ah Madaxweyne kasta inuu jecel yahay inuu wax lagu xasuusto ka tago Madaxweyne siilaanyana kuwaa kama duwana oo isaguba wuxuu jecelaa inuu taariikhda meel wacan ka galo. Odaygu haddii uu sidaa jecelaa maxaa khaldamay? Hogaamiyihii mucjisada ahaa LEE  KUAN  YEW wuxuu yidhi: “  No President Can achieve much without an able “team”. Xigmadan waxaynu ka baranaynaa in aan Madaxweyne guul macno leh keeni Karin haddii aanu helin team aqoon sare leh, karti badan oo daacad ah  sidaa awgeed madaxweyne Siilaanyo malaha wuxuu soo  xushay ciyartooy tayo xun isaguna ma noqon tababare fiican. Sumcada iyo guulaha madaxweynayaasha waxa hoos u dhiga mucaaridka iyo kuwa ay iskaga soo hor jeedaan siyaasada laakiin Madaxweyne Siilanyo waxa magacii iyo sharaftii uu ka heli lahaa bulshada kala dagalamay saaxiibadii oo isagu daacad u ahaa iyo kuwii dadkaba ugu dhowaa.

Senator Paul Douglas oo Madaxweynihii 33 aad  Harry Truman u tilmaamaya qaar ka mid ah saaxiibadiisa ku xeeran ee uu aaminay oo aan isaga daacad u ahayn wuxuu yidhi: “You have been Loyal to Friends who vave not been loyal to you”.  Warkii oo kooban Madaxweyne Siilaanyo saacadii way ka dhacday isaga oo aan ka tagin wax Legacy hase yeeshee kuwii la hadhay waxay ku maaweeliyaan in uu waxqabadkiisu ka badan yahay wax qabadkii Saddexdii Madaxweyne ee ka horeyay oo laysku geeyo haddii si kale loo dhigo Madaxweyne Siilanyo wuxuu maxbuus u noqday beenta saaxibadii waxaana markhaati inoogu fulin Khudbadiisii 18 May ee nuxurkeedu ahaa inaan isaga hortii waxba laga qaban dalka isagoo daadafaynaya wixii 20 Sanadood la soo qabanayay.

Gabo gabo: Marxuum C/raxmaan Axmed Cali bogaga taariikhda waxa u galay Aabihii guusha, Marxuum Cigaal waxa u galay Aabihii dhisay Somaliland, Daahir Rayaalna wuxuu ku suntan yahay Aabihii hirgeliyay dimuqraadiyada. Adiga Madaxweyne maxaa laguu qoraa oo kuu galaya diiwanka taariikhda.

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com