Xarafka Ugu Horreeya Magacaaga Ayaa Sheegaya Dabeecaddaada Iyo Qofka Aad Tahay (Q:12)

0
1166

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Laba iyo Tobnaad uguna dambaysay taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka ugu horreeya magaca qofka iyo dabeecadihiisa ama shakhsiyaddiisa:

Xarafka X:

“Waxa aad tahay ruuxa waaqaci ah, oo aad u jecel caawinta iyo gacanqabashada dadka. Ceebtaaduna waa in aanad qiran qaladaadkaaga” Sidaa waxaa tidhi xeeldheeraha cilmifalagga ee u dhalatay dalka Lubnaan Nafiin Abu Shaallah oo qoraal ay dhowaan baahisay kula hadlaysay ruuxa magaciisu ku bilowdo xarafka X.

Sida uu xarafka X dhaawaaq ahaan u yahay xaraf aad u muuqda una awood badan ayaa shakhsiga uu magaciisa ku bilowdaana uu u yahay ruux awoood iyo saamayn badan. Waa qof diyaar u ah in uu xaqa heliddiisa iyo gaadhistiisa nafta u huro, laakiin haddana inta badan ma helo. Waa ruux u baahanxasilin nafsi ah iyo mid bulsheed.

Marka afcarabiga laga eego xarafka X waxa uu xarafkani ku ladhan yahay kulayl, Jacayl iyo xorriyad. Waa dad kalgacal badan, firfircoon, jecel horusocodka iyo in caqabadaha la waajaho, laakiin haddana ceebtoodu ay tahay in ay si dhaqso ah u niyadjabaan. Waxaa u raacda samirka oo ku yar. Marka ay jacayl noqdana waa dad majaruhu ka lumo oo haddii caashaq helo waalli la saaxiib ah.

Xarafka Y:

Waa ruux madaxbannaani lagu yaqaanno, kuna wanaagsan maamulista arrimihiisa, waxaa ku badan jacaylka iyo cabbirista shucuurta caashaq, waana qof si dhaqso ah ay saamayn ugu yeelan karaan duruufaha iyo arrimaha hareerihiisa ka dhacayaa.

Waa ruux ay ku badan tahay rooxaaniyadda iyo aaminsanaantoodu, waxaana noloshiisa ku badan iska-hor-imaadka. Ruuxa magaciisu xarafka Y ku bilowdaa waxa uu ku fiican yahay dhinaca isticmaalka maskaxda, waxa uu ku shaqeeyaa aaminsan yahayna in sababuhu badan karaan. Waxa uu ku fiican yahay shaqo kasta oo u baahan maskax iyo rooxaaniyad wanaagsan oo sare, laakiin waxoogaa walaaca iyo calool jileeca go’aan qaadashadu ku badan yahay. Waxaa lagu tilmaamaa dadka gooni u shaqaynta ku wanaagsan. Xeeldheerayaasha cilmifalagguna waxa ay ku tilmaamaan in uu dadka dheer yahay hal dareeme oo halka ay iyagu shan dareeme ka leeyihiin isagu lix leeyahay iyaga oo u maldahahya in uu yahay ruux il-dheer oo ku baraarugi og waxa soo socda, haddii aynu si kale u dhignana waa dadka ay Soomaalidu ku tilmaamto in ay garabsalaax leeyihiin, taas oo ay uga jeedaan ruux awood u leh in sii saadaaliyo waxa soo socda.

Ceebta weyn ee ruuxa magaciisu Y ka kaco lagu sheegaa waa in uu yahay ruux caadifaddu ku badan tahay oo laga yaabo in uu si dhaqso ah go’aanka u qaato. Nifiin Abu Shaallah oo qoraalkeedii aynu soo xiganaynay kula hadlaysa ruuxanna waxa ay tidhi, “Waxa aad tahay ruux madow badani ku jiro oo aan inta badan la fahmin, laakiin waxa aad daacad u tahay jaaylkaaga”

FG: Xuruuftu waxa ay ku socotay Alfabeetada Afingiriisiga, sidaa awgeed qofka u fiirsadaa waxa uu dareemayey in hadba xuruufta aynu soo qaadanaynaa aanay isugu xigin sida Alfabeetada Afsoomaaliga. Dhammaad.