Maxamed Aw Siciid Waa Ganacsade La mahadiyey. W/Q: Aadan Jaamac Cabdilaahi

0
574

Picture1Waxaan qalinka u qaatay inaan ka hadlo maqaal dhawaanahan ku soo baxayey qaybaha kala duwan ee warbaahinta kaas oo la xidhiidhay dhaliilo loo jeedinayey ganacsadaha Maxamed Aw Siciid
Waxaan qalinka u qaatay inaan ka hadlo maqaal dhawaanahan ku soo baxayey qaybaha kala duwan ee warbaahinta kaas oo la xidhiidhay dhaliilo loo jeedinayey ganacsadaha Maxamed Aw Siciid, iyada oo aanay is cadayn dadka maqaaladda ka qoraya ee dhaliilaha u jeedinayaa kuwaas oo xitaa muwaadinimadiisii somaliland meesha ka saaray, sidaas darteed ugu horayn waxaan codsi u diri lahaa qaybaha warbaahinta inaanay soo daabicin maqaalada ay soo qorayaan dadka is qarinayaa kuna durayaan dad qiimo weyn ku leh shacabka somaliland sida Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo kale, waayo dadka qaarkii ayaan wanaaguba deeqin oo cid kasta oo wanaagsan  waxka sheegta  ilaa xaawa iyo aadan,  waana kii abwaan  soomaaliyeed hore u yidhi.

Dadbaa saaxirow yidhi

Taas macnaheedu waxa weeyaan in haddii uu  qofku wanaagsan yahay in aanu nabad galayn, waayo waxaynu arkaynaa inay u quudhi waayeen Maxamed Aw Siciid  somalilander-nimadiisa waxaanan anigu u arkaa inay yihiin dad ka xun fadliga ilaahay siiyey ganacsadahan, iyada oo aynu ku soo hal qabsan karno gabaygii Salaan Carabey ee ahaa

Xaashee nin libin kaa xisdiyey

Xumihii waa yaab

Hadaba shakhsiyada Maxamed Aw Siciid  aynu waxyar ka nidhaahno, Maxamed Aw Siciid waa muwaadin somalilander ah labaatan facna ku abtirsada magaalada Hargeysa,waana nin aan isla waynayn oo aan cidna waxba ka sheegin isla markaana ah nin afgaaban isla markaana ah nin deeqsiya.

Ta labaad ganacsade Maxamed Aw Siciid waa maal qabeen maal gashaday dalka somaliland, una quudhay inuu dalkiisa galiyo hanta boqolaal milyan ah taas oo ay mudnayd in abaal badan loogu hayo, balse ay muuqato in lagu dhaliilayo kaalinta muuqata ee uu kaga jiro bulshada somaliland taas oo aan ahayn mid wanaagsan, waxaanu inaga mudan yahay isaga iyo ganacsatada kalaba inaynu karaamayno, Waxaanu ganacsade Maxamed Aw Siciid inaga mudan yahay  inaynu sharaftiisa ilaalino isla markaana ku xurmayno  maalin gelinta iyo shaqaalaynta  uu  ka sameeyey dalka gudihiisa.

Ganacsade Maxamed Aw Siciid  waxa uu kaalin muuqata  kaga jiraa barnaamijiyada kor loogu qaadayo adeegyada bulshada iyo tabarucaadka meelaha danta guud ah sida cusbitaalada, garoomada kubada cagta, dugsiyada, jaamacadaha IWM.

Sidoo kale waxa uu hadyo jeer isku xil qaamaa daminta khilaafyada dalka soo foodsaara,taas oo ah mid muwaadin kasta looga baahan yahay inuu sameeyo.

 Ugu danbaynta waxaan u soo jeedin lahaa dadka aan is cadayn ee wax ka sheegaya inay ka waantoobaan ceebaynta iyo canbaaraynta aanu gayin.

Waxaan qoraalkayga ku soo xidhayaa gabaygii Xaaji Aadan Af Qalooc ee ahaa 

Dadka Kale Qofkoodii wax tara way tix geliyaane

Idinkuna caqliga taabudka ah waad ku tumataane

Tartar baad ka dhaaftaan qofkii toos idiin wada

Wabilaahi Tawfiiq

 

Aadan Jaamac Cabdilaahi

Email: Aadamdeeq@gmail.com