Sida Ay Somaliland Uga Faa’idaysan Karto Deeqaha Ay Ka Hesho Dunida: W.Q: Cabdi Aadan

0
597

Picture8Waxa jirta ilaa laga soo bilaabo markii lagu dhawaaqay goonitaanka somalilkand 1991, maamuladii  soo maray dalka waxay aad ugu dadaaleen in ay helaan taageero dibadeed si ay dawlada wax uga qabato baahiyaha balaadhan ay marba soo wajahaso is la markaana ay hayadaha dawliga u gutaan waajib kooda kasaaran in ay dadka ugu qabtaan adeegyada assaasaasiga ah iyo weliba kuwa horumarinta dalka laxidhiidha. Si kastabo iyo deddaalo farabadan iyo weliba safaro badan oo ay madaxda ama wasiirada Somaliland ugu gaala baxeen dibadaha iyo caalamka, maanay suurta gelin aan ka ahayn balan qaad ah “ waxaanu idiin soo marin doonnaa hadii aanu wax bixino hayadaha naga jooga wadamada aad katimaadeen”. Tani waxay u badnayda had iyo jeer jawaaabaha ka imanayey caalamka marka aynu wax weydiisano.

Hadaba si loogu guulaysto in Somaliland ay hesho wax ay xaq caalamku ugu lahayd oo ah in ay wax ka hesho dhaqaalaha farabadan ee dunidu ugu yaboohaan mar walba dalkii hore laysku odhan jiray (Somalia) oon somaliland wax looga talagelin jirin.  Ayaa Sanadku markuu ahaa 2012 Somaliland waxay furtay ama ku dhawaaqday Sanduuqa Hurumarinta Somaliland (SDF) kuna salaysan fikrado iyo aragti ah in dibu habeen dhaqaale iyo shuruuc lasameeyo. iyadoo la kaashanaysa hayadaha DANIDA oo ah hayad u qaabilsan Denmark horumarinta iyo deeqaha iyo DFID oo iyana UK u qaabilsan dhanka horumarinta iyo deeqaha.  Sanduuqani waxaa uu ka caawinayaa dawlada somaliland oo wax katarayaa qorshayaasha dawlada ee ku wajahan horumarinta iyo wax kaqabashada baahiyaha dalka ka jira ey wasaaradaha ama hayadaha dawladu u qabato dadka. Baahiyan oo ku salaynsan qorshaha horumainta dalka ay wasaarada qorsheynta qaranku sameysay (2012-2016).

Faa’iidooyin dhowraa lafilayaa hadii ay Somaliland sanduuq horumarin ah yeelato oo dowladuhuna taageeraan. Mida hore waa in sare u kac ku yimaado awooda dawlada ah in ay kala mudnaan siiso baahiyayaheeda oo ay qorshaysato miisaaniyad leh barnaamijyo horumarineed iyo weliba dawlada oo awood u yeelato inay ilaaliso oo controsho go aanda lagu maamulayo lacagaha mashaariicda wadanka laga fulinayo.

Caqabadaha Ka hor imankara in lagu guulaysto fulinta mashaariicdan..

Iyadoon wax is bedela ah ku iman wasaaraadaha ama hayadaha dawlada si ay u timaado dib u habeen la xidhiidha xaga shuruucda ay isticmaalayaan iyo weliba cududa shaqaalaha. Tusaale ahaan hadii ay wasaaraaduhu helaan mashaariic fulineed waxa ay fikradu tahay in looga faa idaysto in lagu dhis awoodaha wasaaradaha ee xaga wax fulinta iyo qabashada shaqooyinka. Waxaa kamida shurruucdaas sida sharciga maammulka iyo lacagta. Weliba iyana waxaa muhiima in shaqaalo tayaysan oo aqoontoodu saraysa la keena wasaaradaha dawladu si ay ula jaan qaadi karaan inay qorsheyn-karaan/fulina karaan mashaaric laxidhiidha baahiyahooda. Hadiisa ay dhacda in shaqaaalihii loo baahnaa aan lasoo gelin oo inta joogta shaqada laqaybsado waxay wax yeelo u kaneeysan arigtiidi ahayd kobcinta awooda cududa shaqalaaha islamarkaana hayadaha dawligu ku hanan karaan in ay fuliyaan mashaariic.  In dadkii wax loo qabanayey ay ka hor yimaadaan mashaariicdaa la fulinayo. Way dhacdaa mar mar se waxaa muhiima in 2 dhinac isku arigti ka noqdaan sidii loo wada fulin lahaa dantaa guud. Sababo badan ayaa keena in dadku ka hor yimadaan mashaariic iyaga loo qabanayo, inaan marka hore laga qayb gelin talada sida waxa loo qabanayo, iyo inaan wax lagala tashan inay waxan la qabanayo tahay mudnaanta waxa ay siinayaan. Assaaska tanina waa ta kusalaysan in Somaliland markii hore tiraahdo waxaanu u baahanahay sanduuq horumarineed oo aanu wax kaga qabsano baahiyahaga aanu mudnaanta siinano!!Sidaa awgood ayaa muhiima in dadka deeganda ee mashaariicda loo qabanoyo hadii ay cawdaan ama wax diidaan tahay in lala xaajoodo oo laqanciyo waayo waa iyaga cida mashruucu beegsanayo oo hadhowtana la doonayo inay gacantooda ku maamulaan marka waqtiga mashruucu dhamaado.  Mashaariicda fulinneed ay haydaha dawladu qorshaysatay oon lagu fulin xiligii ama waqtigii loogu talagalay. Habsan ku yimaada waqtigii loogu talagalay in lagu dhamayastiro shaqada iyo lacagataba. Hadii ay tani baahdo waxaa suurtagala ah in dib u eegis dhacdo oo la eego hababka kale oo ka dhaqsiiyo badan… Colaado iyo is maandhaaf siyaasadeed oo wadanka ka dhaca, taasoo sababta nabad gelyo daro Ilaahay inaguma keeno.

Deeq bixiyayaasha oo saluug ka muujiya in dawladu aanay isbedel xaga shuruucda maaliyeed iyo maamul la iman iyo weliba xaga fulinta du,muqraadiyada iyo  dhowritaanka xuquuqul insaanka. Tani waxay caqabad ku noqon kartaa in deeq bixiyayaashu ay joojiyaan inay sii wadaan taageerida sanduuqa horumarinta aynu samaysanay.

By. Cabdi Aaden