Madaxweyne Siilaanyo Oo Sannadkan Soo Gudanaya Waajibaadka Cimrada

0
518

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu dhawaan u socdaalo wadanka Sucuudiga si uu u soo guto Cimrada Sannadkan.

Madaxweynaha oo ay wehelin doonaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, waxa la filayaa inuu tobanka dambe ee bishan barakaysan ee Ramadaan ku soo qaato Xaramka barakaysan oo uu ku sugnaan doono tobanka dambe ee bishan Ramadaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa hore u tagay xaramka oo uu ku soo gutay waajibaadka Xajka.