“Waxaan Leeyahay Kulmiye Waa Uu Dumayaa Ee Yaanu Qaranka Galaafan, KULMIYE Waa Uu Burburayaa Waliba Waa Uu Ka Burbur Xumaanayaa Xisbigii UDUB”

0
503

Picture6Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay horkeenayaan Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu tilmaamay in ay ku baadhayaan arrimo uu sheegay in muddooyinkii danbe la isla dhex-maraayey oo ah in aan Madaxweynahu dalka ka talin, waxaa kale oo uu ka hadlay ciidamo uu sheegay in ay Xukuumaddu u qorayso dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta dalka Yeman, isaga oo tilmaamay in aanay dawladu dagaal wadan kale gali karin iyada oo aan Golaha sharci dejinta soo marin.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana kale oo uu ka hadlay sida uu ku danbeyn doono mustaqbalka danbe ee siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye isaga oo sheegay in uu Xisbigaas burburaayo, burbur ka daran kii hore uu ugu burburay Xisbigii Udub, waxaana ummada reer Somalialnd ugu baaqay in aanu sii galaafan. Isaga oo ugu horeyna cambaareeyey dhaawac ay ciidamada ilaalada Madaxtooyadu soo gaadhsiiyeen Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

"Sida aad ogeydeen, waxaa dhacday in Xildhibaan Xasan Cawaal Caynaan Madaxtooyada dhexdeeda lagu dilay, iyada oo wasiirka arrimaha gudahuna uu joob-joog yahay, oo taliyahii Madaxtooyada iyo ciidan inta la dalbaday ninkaas sidii qori dabadii loogu waday dhulka looggu tuuray, markii danbena wax aan caado iyo dhaqan aan ahayn ay dhacday oo luqunta la iskaga taagay, arrinkaas si weyn ayaan u cambaaraynayaa oo waa danbi danbiga ugu weyn ee dalka laga galay oo dastuur jabin ah, oo qaanuun jabin ah oo dawladnimo xumo ah. Waxaan kale oo aan sheegayaa haddii uu Xasan Cawaale yahay iyo haddii uu Xildhibaanada kaleba yahay qarankan shacbigiisa Somaliland si wacan ayaa ay codka noo siiyeen, si wacan ayaa ay nooggu soo baxeen, annaga ayaa nala karaameeyey, waajibkayaguna waxaa uu ahaa in aanu ummaddaas u tudhno oo waxaanu ku dhaaranay in aanu dalkayaga iyo diintayada aanu daacad u noqo, waajibkuna waxaa uu ahaa in aanu Xukuumadda ka ilaalino waxii deel qaaf ku ah ummadda, haddii ay hanti tahay, awood maroorsi, caddaalad darro tahay, waxaa dhacday Golahayagu isaga ayaa gabay hawshii, isaga ayaa guul-wadeyaal noqday, isaga ayaa Kitaabkii uu ku dhaartay iyo Karaamaddiisiina dilay, awooddii uu shacbigu siiyeyna dilay , marka abaal-gudkayagii waxaa uu noqday in madaxa la iskaga kaayo taago. Waad ogeyd oo shalay shan xildhibaan ayaa nalagu xidhay annaga oo qaranka arrintiisa ka hadlayna, cid alaale iyo cid ka hadashayna ma jirto, ninka Bukhaari la yidhaahdo Kaantaroolka(Istabta), ayaa lagu dilay ee ah halka laga soo galo Hargeysa, gowda ayaa laga saaray, cid alaale iyo cid ka hadashayna ma jirto, ninka Siciid Cilmi la yidhaahdo wasiirka Macdanta ayaa ciidamo u soo diray isaga oo ordaaya ayuu Golaha ka soo galay, halkaas ayaana uu ku soo dhuuntay, tanina waa tii shanaad ama lixaad ee Xasan Cawaale lagu sameeyey, waxaana aan leeyahay Golaha Wakiiladow idinka ayaa isagu wacan markiihawshiinii aad gabteen ee shacabkii haad iyo hanraawe ka dhargeen oo in idinka madax la iskaga kiin taago waajib weeye, Ilaahay ayaa sidaas idiin gartay oo abaalkiina ayaa sidaas ah".Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi

Xildhibaan Siciid Cilmo oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay mooshin ka dhan ah oo ka keenayo Madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu yidh:"Waxaa aan in badan maqlayna Madaxweynahu ma taliyo oo ayaantii ugu danbeysay ee odeygu yimi ee uu ka yimi dibadda ee uu Madaarka soo gaadhay waxaa aynu Tv-yada ka arkaynay, Xirsi oo odeyaga ku qeylinaya oo leh 'fadhiiso' oo canaanaya iyo odeygii oo dhabana daadsanba, waxaa kale oo aynu arkaynay dhuxul oo leh soco oo tukhaan tukhinaya, calaamadahaasina waxaa ay muujinayaan in waxa la sheegayo ay wax ka jiraan, mar haddii ay sidaas tahayna qarankana annagu Madaxweyne Siilaanyo ayaanu u dooranay ummadduna odeygaas ayey u dooratay oo loo dhaariyey annagana xil ayaa naga saaran, waxaan se ku baaqayaa oo aan Golaha ugu baaqayaa in kal fadhigan soo socda Madaxweynaha looggu yeedho, xilkayaga aanu gudano oo aanu baadhno in uu Madaxweynahu hawl-gab yahay oo awooddii qaranimo aanu wadi karin iyo in kale, Golayagu xaq ayaa uu u leeyahay midhkaas in aanu samayno, mooshin ayaanu ku keenaynaa, waanu waraysanaynaa, waxii jira dalka iyo Madaxweynahu sida uu yahay halkaas ayaanu go'aan kaga gaadhaynaa, haddii ay noqoto in waxaa la sheegayaa ay dhab tahay, waxaa waajib ku ah Madaxweynaha annaga oo aan codeyn in uu halkaas xilka ku dhiibo oo uu isku casilo, kadibna Cabdiraxmaan Saylaci oo ah madaxweyne ku xigeenkii uu xilka la wareego, haddii uu Madaxweynahu caadi yahay oo waxaa la sheegaya aanay waxba ka jirina aanu hawshiisa saxno oo aanu gacanta la galno. Waxaana aan leeyahay waxaa innoo balana Golow oo aan kalsoonideenii iyo karaamadeeniiba ku soo celin karnaa kuna badbaadin karnaa, shacbigii inna soo doortayna aynu abaalkoodii ku gudi karnaa innaga oo taas samayna".

Siciid Cilmi Rooble, waxaa uu sida oo kale tilmaamay in ay sharci darro tahay in dagaal wadan kale la galo iyada oo aan laga sharciyeyn ama aan la soo marin golaha Wakiilada Somalialnd. "Arrinta kale waxbaa inna hor socda muddooyinkanba ileyn waa tan oo odeygii waxbaa ka si ahee, waxa weeye dadkeenii iyo ciidankeenii looma ooyaan ayaa laga dhigayaa oo dagaalkaa Yeman ee ka dhaxeeya Carab ee innagu xayn daaban oo aad ogeydeen dhibaatooyinkiisa oo ay Jabuutina ka gabatay, caalamka iyo Afrikaankiiba ka gabatay, waxaa la doonaya in iyada oo adduun doon la yahay gacanta la innoo galiyo, waxaa la doonayaa in waxii dalkan ka soo baxayeyna uu qoys qaato sida oo kalena Yeman iyo Sucuucidiga dhexdoodana ay dadkeenii ku dhintaan, waxaana aan leenahay taas waxba kama jiraan oo Golaha ayuunbaa ogalaan kara dagaal in la galo, oo dal kale dagaalkii la galo, Golaha ayaa ogalaanaya in madaarka iyo dekadaheena in la isticmaali karo oo goob dagaal laga dhigi karo, waxii aan Golahani oggalaana wax Allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, ama Madaxweynahan ha noqdo ama Moorganadan la sheegayo ha noqdaan, ciddii saxeexdaana waa dambiile qaran"Ayuu yidhi Siciid Cilmi.

Siciid Cilmi Rooble, waxaa kale oo uu ka hadlay xaalada wadanka, waxaana uu yidhi:"Xaaladda wadanku ku jiro imika shan sannadood ayeynu sugaynay, wax Allaale iyo waxii la doono ayaa la samaynaayey, Laba sannadood oo qasab ah ayaa la doonayaa in la kordhiyo, labadaas sanno waxaan anigu isleeyahay gaadhi maayaan se haddii ay gaadhaan, waxaa innoo balana shacabow in aynu ka matajino. Waxaana aan Madaxweynaha leeyahay haddii ay dadka kugu hareeraysan ay kaa nixi waayeen oo magacaaga danbe laga nixi waayey oo ubadkaaga iyo taariikhdaada laga nixi waayey, annaga ayaa kaa naxayna oo ah Golahii Wakiilada oo Illaahay u dhaaranay, annaga ayaa kaa badbaadinayna shabakadan lagugu xidhay ee marna kac lagugu leeyahay marna fadhiiso".

Ugu danbeyntiina xildhibaanku waxaa uu ka hadlay, burbur uu sheegay in uu ku immanaayo Xisbiga Kulmiye"Anigu waxaan qabaa waxan inna waalaya iyo kadeedkan inna haysta waxa weeye meeshani waa koox nin, nin cunaysa, waana uu dumayaa aakhirka oo dambas ayaa uu noqonayaa, waxaana aan leeyahay Kulmiye waa uu dumayaa ee yaanu qaranka galaafan, Kulmiye waa uu burburayaa waliba waa uu ka burbur xummaanayaa Xisbigii Udub, laakiin se waxa weeye yaanay ummad yahay inna galaafan oo Xisbigaas iscunaaya, ee bila talada ah, lacagta kala boobaya ee qarankan ka shaqaysanaaya ee aan u tudhayn yaanu inna galaafan".