Xildhibaan Siciid Gaane Oo Ka Hadlay Dhaawaca Xildhibaan Xasan Cawaale

0
491

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaani), oo ka mid ah Xildihbaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan XIldhibaanada Mucaaradka, ayaa si adag uga hadlay dhaawac xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan uu sheegay inay ciidanka ilaalada madaxtooyadu u gaysteen.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaani), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay is ka hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac dhexmaray laba beelood, waxaanu sheegay in colaadan soo afjareen Saddex Sanno ka hor, balse Xukuumaddu ay dayacday doorkii ay ku lahayd, waxa kale oo uu ka hadlay jidh dil uu sheegay Xildhibaan Xasan Cawaale in loogu geystay Madaxtooyada dhexdeeda, iyo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Guddaha ee uu u digaayey Mucaaradka, waxaanu ugu horeyn Xildhibaanku hadalkiisi ku bilaabay sidan “Marka hore waxa aan tacsi u dirayaa dadka ay dhibtu gaadhay, waxaana leeyahay waxa arintaasi dhaliisheeda iyo fool xumadeeda leh Xukuumadda, waayo Saddex Sanno ka hor ayaanu si wacan u soo gabagabeeynay, intaaba waxa Xukuumadda laga doonayey inay dhamaystirto khilaafkan soo kala dhexgalay Beelahan walaalaha ah, ilaa Maalintii aanu soo marnay dhaarta waxa aanu dhamaystirkeeda ka baryeynay Xukuumadda, waxa aanu ka barayeynay inay awood iyo culays saarto sidii ay u dhamayn lahayd xurgufta dhexmartay beelahan, runtiina Beelahan waa Beelo wanaagsan oo iyada oo colaadi dhex taalo oo dhimasho ka kala dhex dhacdayey, bay haddana Abaartii Biyaha wada cabayeen, hadda oo Gu’gii dayna waxa aanu nidhi ka gaadha, halkaasna umay dhaafin Xukuumaddu, Lacagta ugu badan ee Misaaniyadu waxa ay ku qoran tahay Nabadgeliyo, waxaana leeyahay dadka wixii dhacayba dhacee ee Nabada ilaaliya, dadka dhintayna ALLE ha u naxariiste labada dhinacaba wey ka dhinteen, Beelahan waa Beelo walaalo ah oo aan meelna kala jirin”.

Xldhibaan SIciid Warsame Gaane ayaa mar uu ka hadlaayey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa yidhi “Waxa Maalin dhawayd Shir jaraa’id qabtay Xukuumadda oo uu ku jiro Madaxweyne ku xigeenku, waxaana Shirkaas jaraa’id lagaga hadlaayey heshiiskii Xisbiyada, goobtaas oo ahayd Madaxtooyadii oo uu goob joogna ahaa Madaxweyne ku xigeenku waxa Wasiir ka mid ahi kaga dhawaaqay inuu waxna uu dili karo, waxna uu xidhi karo, balse wax xidhista iyo wax dilistuba sharci ayey ku timaada, waxa uu ku dhawaaqayna waa xukun deg deg ah, xukunka deg deg ahna waxa iska leh Madaxweynaha, Madaxweynuhuna ilaa oo Labada Gole uu soo hor dhigo cidina ma qaadan karto”.

Xildhibaan Siciid Gaane ayaa mar uu ka hadlay jidh dil loo gaystay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Waxa jiray Nin Dhalinyaro ahaa oo ilaalada Madaxtooyada ka mid ahaa, oo dirayskiisii sita  inta Darawalka Madaxweynaha cayey, kuna yidhi basaas xun oo nala joogo ayaad tahay, Inankii markii uu ka dacwooday ee uu yidhi waxaas ayaa la igu yidhi in waxba laga qaban waayey, lagana daba yidhi basaas ayaad tahay, markaas kadibna Inankii Inankii kale faraha ayuu saaray, bartii ayaa lagu xidhay, laba sanno ayaana lagu xukumay shaqadiina lagaga saaray, iyada oo taasi jirto ayaa haddana Wasiirka Arrimaha Guddaha hortiisa ayaa lagu jidh dilay Xildhibaan Xasan Cawaale, waxba lagama qaban, cidii gacanta saartay, waxaana cad in sharci aanu shaqaynayn ee waxa ay doonto Xukuumaddani uu shaqaynayo, iyada oo Dastuurkii la jabiyey, oo Xildihbaan xasaanad leh loo gacan qaaday waxa waxba looga qaban waayey, waxa aad arkaysaa in sharciyadiii meesha ka baxday, oo dhab yahay hadalkii Wasiirka ee ahaa waxa aanu doono ayaanu xidhaynaa, waxa aanu doonana waanu llaynaynaa, waxaana dhab ah in Xukuumaddani noqotay kooxo shufto ah”.