Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee UK Oo Si Weyn Hargeysa Loogu Soo Dhaweeyay

0
525

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa magaalada Hargeysa si balaadhan ugu soo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga Waddani ee wadanka UK Mujaahid Xuseen Aadan Cadde oo muddo dheer dalka dibadda uga maqnaa.

Waxaana soo dhaweynta mujaahidka ka qeyb-qaatay madaxda Xisbiga Waddani, guddida fulinta, hoggaanka, madax-dhaqameed, aqoonyahan, ganacsato, dhalinyaro, haween iyo dad weyn kale oo aad u tira badan.

Xoghayaha arrimaha gudaha Xisbiga Waddani Md.Mustafe Qodax oo ugu horeyn hadal kooban oo soo dhaweyn halkaas ka yidhi, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan ay aad u soo dhaweynayaan guddoomiyaha wadanka UK, waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay halyey baal muhiim ah kaga suntan taariikhda iyo halgankii dib u xoreynta dalka.

“Aad iyo aad ayaanu maanta ugu faraxsanahay in aanu halkan ku soo dhaweyno, mujaahidka weyn ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee wadanka UK Md., waxaanu leenahay soo dhawoow, ku soo dhawoow gacmo furan, qalbi furan iyo dalkaagii hooyo”.Ayuu yidhi Mustafe Qodax.

Mujaahid Xuseen Aadan Cadde ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee wadanka UK oo isna halkaas ka hadlay, ayaa mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani uga mahad-celiyey soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo sida oo kalena ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha Xisbiga Waddani ee wadanka UK.

“Aad iyo aad ayaan idiin ka mahad celinayaa sida qiimaha badan ee aad madax iyo minjaba iigu soo dhaweyseen dalka,  Xisbiga Waddani waxaa uu hormuud ka yahay oo gabi ahaanba uu haystaa taageerada wadanka UK oo dhan, waxaana aan Insha Allah doonaynaa in aan diblomaasiyaddii aanu Xisbiga Waddani kaga sifeynay wadanka UK aynu dalka gudahiisana kaga sifayno si aynu u badbaadino xaalada adage e maanta wadankeenu ku sugan yahay”.Ayuu yidhi Mujaahid Xuseen Aadan Cadde.