Sheekh Dirir Oo Ka Hadlay Boodhadh Ay Hay’addo Ku Dhejiyeen Hargeysa Oo Lagu Durayo Guurka Qaangaadhka Ka Hor

0
442

Picture1Hargeysa(Geeska)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa ka hadlay boodhadh lagu dhejiyay meelo ka mid ah caasimadda Hargeysa oo lagu sheegayo in guurka la guursado iyadoon aan la qaan gaadhin uu ka soo horjeedo xuquuqal insaanka. Boodhadhkan ayaa waxa magaalada ku dhejiyay qaar ka mid ah hay’addaha  dalka jooga oo kaashanaysa wasaarad ka mid ah wasaaradaha dawladda. Sheekh Dirir oo bisha Ramadaan maalin kasta bacda salaadda Duhur su’aalo lagu weydiiyo masaajidka Rusheeye ee uu tukiyo ayaa waxa lagu su’aalay aragtida shareecada ee boodhadhka lagu dhejiyay meelo ka mid ah caasimada Hargeysa.

Sheekh Dirir, oo ka jawaabay arrintaas ayaa yidhi  “Waa la ii sheegay meelahan Cisbitaalka hortiisa iyo wasaaradaha qaarkood ay boodh ka taageen wasaarad iyo hay’ad isxambaar ahi. Labadaas oo is xambaar ahi waxay taageen bodhadh ay leeyihiin guurka qofku intaanu qaangaadhin uu guursanayaa inuu ka soo horjeedo xuquuqal insaanka. Macno noocaas oo kale ah ayuu u dhiganyahay, waxa fiican marka talaabo la qaadayo in diinta la qaado oo la hubsado oo ay wasaaradda diinta iyo awqaafta soo mariyaan bay ahayd oo ay yidhaahdaan waxaas ayaanu qoraynaaye maxay shareecadu ka qabtaa. Guur marka la yidhaahdo waa diin, inaad guursataa arrin ijtimaaaciya maaha ee waa arrin diiniya, intee aayadood iyo intee xadiis ayaa ka hadlay, quraankii ayaa ina faraya. Nebiga SCW ayaaba sheegay oo yidhi ninka uu Alle oori wanaagsan siiyo diinta badhkeed ayuu ka saaciday, waxa uu nebiga leeyahay SCW waa sunihii nebiga.”

Sheekh Maxamed oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Markaad wax ka sheegayso hay’ad uun ha soo xambaaranine maxaa islaamku ka qabaa dheh, guurka la guursado intaanu qofkii qaangaadhin ee uu 15 gaadhin muxuu yahay xagga shareecadeena, dee wuxuu yahay Nebiga Maxamed SCW ayaa sameeyee oo Caasha guursadee ma xalaal baa mise waa xaaraan. Waxa laga yaabaa ujeedada ka dambaysaa inay tahay weerar halkaas ahba.”

Sheekh oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi  “Nebigu SCW Caasha wuxuu mehersaday iyadoo lix jir ah, iyadoo sagaal jir ahna wuu la aqal galay wax dhib iyo ceeb ah oo ka yimidna ma jiraane,  wanaag iyo sharaf iyo gobanimo iyo miisaan ahayn”.