“Madaxweynuhu Sharciga Ha Maro, Xalna Ha Keeno”

0
540

2222Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye(Gacan) oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka Golaha Guutida Somaliland, ayaa ka hadlay muranka siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka dhashay heshiiskii ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii Guurtida, waxaana uu sheegay in xalka arrintaasi uu horyaalo Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Siilaanyo isaga oo sida oo kalena ganafka ku dhuftay in ay Golaha Guurtidu buriyaan go’aankii ay ka soo saareen muddo kordhinta, waxaana uu u soo jeediyey dariiqyo hada u bananaan in uu Madaxweyne Siilaanyo maro si xal looga gaadho khilaafka Siyaasadeed ee hada taagan.

Md.Axmed Muuse Obsiiye, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in Madaxweyne Siilaanyo  uu ka war wareegaayo in sifada sharciga ah u maro sidii uu u hirgalin lahaa heshiiskaasi ay isla gaadheex Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda Somaliland.

“Arrintu imika Siilaanyo ayey dul fadhidaa, Guurtidu waa ay kordhisay khalad iyo saxba waxii ay kordhinaysay sida ay doontaba ha u dhacda e’. Guurtida ayaanu wax ka dhaadhicinaynaa oo aanu qancinaynaana macquul maaha, Guurtidu go’aankeeda iyada gacanteeda ku baabiin mayso, se arrintu Siilaanyo ayey dul taala”.Ayuu yidhi Axmed Gacan.

Xildhibaan Axmed Gacan oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu Madaxweynaha u soo jeediyey dariiqyo sharci ah oo uu sheegay in haddii uu Madaxweyne Siilaanyo doonayo in uu sharciga raaco uu u mari karo hirgalinta heshiiskaasi.

“Haddii uu Siilaanyo xal doonayo sadex xal ayaa u banaan. Kow, in uu marka hore isagu wareegto soo saaro oo uu waraaqna inta uu qoro uu yidhaahdo doorashadii waxa ay ku eeg tahay wakhtigaas ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen, Maxkamad distoori ahna uu u gudbiyo. Ta Labaad oo ah in uu  Komishanka iskugu yeedho oo uu ku yidhaahdo wakhtigaas ay Xisbiyada iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen ku soo saara maalinta ay doorashadu dhacayso iyaguna ay waraaq soo qoraan, waraaqdaasna uu wareegtadiisa ku lifaaqo taasna uu mar kale sidaas uu Maxkamadda ugu gudbiyo. Qodobadaasi waa kuwa sharcigu sheegayo haddii uu sharci raac yahay, sharcigu u banaynaayo. Waxa kale oo jirta in mid sadexaad u furana waa in uu Saleebaan ka horyimaado, oo uu Golaha dhexdiisa kula dagaalamo sidii uu Ra’yaaleba ugula dagaalamay Saleebaan wakhtigii hore oo inta uu Golaha yimaado uu sidaas ku wajaho haddii uu xal doonayo. Siilaanyo maanta sadexda qodob ayaa u banaan in uu midkood uun raaco”.Ayuu yidhi Axmed Muuse Obsiiye.

Md.Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), waxaa uu ugu danbeyntii uu ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo in uu dariiqa sharciga ah  maro sidii uu xalin lahaa khilaafkan ka dhashay heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumadda.

“Siilaanyo waxa weeye hal doonaysa in ay geed ku xoqataa, way war wareegta oo ma weydo geed ay ku xoqato. Siilaanyana yaanu iska dhigin hal doonaysa geed ay ku xoqotaa ma weydo e’  sharciga ha maro, xalna ha keeno isagu, laakiin Guuritida go’aankii gacmihiina ku buriya ka yeeli mayso”.Ayuu yidhi Md.Axmed Gacan.