Booobe Oo Ka Jawaabay Hanjaabadii Cali Warancade

0
636

???????????????????????????????Hargeysa(Geeska):-Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ka hadlay shir ay shalay Madaxtooyada ku qabteen hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland kuwaasi oo dhaliilay xisbiyada mucaaridka ah iyo sida oo kale hanjabaad adag oo ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Warancade taasi oo iyaduna ku wajahnayd Xisbiyada Mucaaradka ah.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.“Shalay oo bishu sodon ahayd ayaa madaxtooyada waxa isa soo safay labaatan nin oo xisbi iyo xukuumad iskugu jira oo u hadlayay xukuumaddan iyo xisbiga kulmiye,nimankaa kuma jirin qof dumar ahi had iyo jeerna waxa ay ku faanan inay xuquuqdii dumarka siiyeen oo talada dalka ayay ku jiraan”ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Md Boobe Yuusuf Ducaale, waxa kale oo uu sheegay in eedda dib u dhaca doorashooyinka ay leedahay Xukuumadda Siilaanyo balse aanay lahayn Komishanka doorashooyinka Qaranka.

“Bishii April 20aad 2015ka komishanku Madaxwaynaha ayay u tageen 26 jun 2015 doorasho ma qaban karno waxa aanu qaban karnaa 1 june 2016ka ,nimankaasi eeda ay galeen ee dalkaasi u rogmanayaa waa intaasi,komishanku  doorashooyinku Madaxwaynaha ayay hoosyimaadaan,madaxwaynaha waxa ku wacnayd waad saxsanaydeen iyo waad qaldanteen ,wuxuu ku yidhi  warkiina waxaan u gudbinayaa guurtida murankii halkaasi ka dhashay ayaa halkaa inala maraya”ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Xoghaya Warfaafinta Xisbiga Waddani waxa uu dhaliilay hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo uu sheegay inaanu go’aanku gacmohooda ku jirin.

“Maalin walba umadda waxa hortaagan niman aanay talo ka go’in  oon go’aankii gacanta ku sidan  oo go’aankii ka maqan yahay oo meel kalae fadhiyo, waa xukuumada uu Saylici wakiilka ka yahay waa hoggaanka kulmiye ee marna guurtida ku odhanaya mudda kordhiya marna xisbiyada heshiiska la galaya ee ku odhanaya saddex biloodbaanu soo qadinoo December ayay doorashadu dhacaysaa. Aqoon darada siyaasadeed ee haysata ayaa wax walba ka daran  ee ku odhanaya kana waa go’aan siyaasadeed kana waa go’aan sharci ah guurtidu xeer iyo xaagaan um laha maalinta komishanka inay buriso,hadday guurtidu ku guulaysato inay maalintaa buriso mecneheedu waxa weeyi komishanku waxa ay ku dhawaaqi doonaan madaxwaynaha doorashada ku guulaysta iyo xildhibaan doorashada ku guulaysta”.Ayuu yidhi Muj.Boobe

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu sida oo kale jawaab ka bixiyay hanjabaado ka soo yeedhay Cali Warancade isagoo Xisbiyada mucaaridka ah ugu hanjabay in uu gacan ku qaban doono haddii ay qaranimada ka horyimaadaan.

“Cali waa daahir sheeg,waa ninka sarajooga ku ataxyaadsada,maxaa ugu dambeeyay shilkii Berbera ka dhacay waxa uu masuul ka yahay Amaanka,waa ninkii madaxwyanaha Haamaha shidaalka geeyay ee 4ta saacadood riwaayada loogu dhigayay ee haamuhu halista ku jireen ee Madaxwaynuhu halista ku jireen,ninka amaanka ka masuulka ahi waa isagoo xabaalihii jooga yidhi baabuurta booyadaha ah turuska ka jara”Boobe Yuusuf Ducaale.

Xoghaya Warfaafinta ee xisbiga Waddani waxa uu sheegay inay ka xisbi ahaan xeerkasta oo dalka ah ku dhaqmayaan,isagoo ka hadlay safiiraddii shalay uu magacaabay Madaxwayne Axmed Siilaayo.

“Wixii dalkan xeer u yaala kuwa ku dhaqma ayaanu nahay ,Waxaa la hadal hayaa Safiiro shalay loo magacaabay Dubai iyo China..Safiirka South Sudan tagi waayay, Safiirka South Africa tagi waayay si uu u fuliyo danaha Somaliland ee Dubai loo diray ayaa waxay ku xasuusinaysaa sheeko yar oo ka dhacday gobolkan aynu Jaarka nahay ee kililka shanaad ka dhacday, waxaa jiri jiray nin la odhan jiray Cali-baadi markaas baa Baandadii Talyaaniga la qoray Cali oo iska lumayay, markaas baa la yidhi markii Baadi baage loo qoray maxaa baande baahi loo qabay.”Boobe Yuusuf Ducaale.