ISIS Oo Farriin Hanjabaad Ah U Dirtay Ururka Xamaas

0
572

ISISKooxda Khaliifada Islaamka ee loo yaqaano ISIS ayaa markii u horeysay fariin hanjabaad ah u dirtey Ururka Xamaas ee ka taliya marinka Gaza iyo qeybo kale oo kamid ah Falastiin.

Dagaalyahano ka tirsan ISIS ayaa fariin muuqaal ah ay iska soo duubeen ugu hanjabeen Xamaas, isla markaana wacad ku marey in ay soo afjari doonaan oo ay kala wareegi doonaan goobaha ay ka taliyaan.

Hanjabaadan ayaa timid kadib markii Ururka Xamaas ay bilaabeen in ay beegsadaan kuwa taageersan mabda’a ISIS oo ay la dagaalamaan, waxayna ku tilmaameen kuwa taageersan fikirka Daacish in ay yihin ‘’khawaarij’’.

Fariinta Daacish ayaa lagu eedeeyay Xamaas in ay ku guuldareysatay dhaqangelinta shareecada Islaamka meelaha ay ku sugan tahay.

‘’Jihaadku macnihiisu ma aha dhul la xoreeyo…. Balse siduu uu Ilaahay nagu fasiray waa hirgelinta ku dhaqanka shareecadiisa,’’ ayuu yidhi mid kamid ah dagaalyahanada kasoo muuqday video-ga.

Dagaalyahanada ayaa sidoo kale cambaareeyay sababta ururka Hamas aanay si adag ula xisaabtamin Dowladda Iran, Ururka Hezbollah iyo ururada kale ee ka jira Falastiniyiinta.

Kooxda Daacish ayaa iminka ka talisa qeybo badan oo kamid ah dalka Suuriya iyo Ciraaq, waxaana ay wadaan qorsheyaal ay isku fidinayaan dalalka aan xasilooneyn ee ku yaalla Bariga dhexe.