Arrimo Dhalinyaronimada Lagu Dayaco Oo Waayeelnimada Laga Qoomamoodo (Q:1aad)

0
501

Hargeysa (Geeska)- Sida in badan dhacda qofku marka uu weynaado waxa ku soo noqda xusuuso badan oo la xidhiidha noloshii kala duwanayd ee uu soo maray qadhaadh iyo macaan mid ay ahaydba, sidoo kale waxa uu dib u xasuustaa ficilladii iyo hawlihii uu hore u soo qabtay, iyo wixii uu jeclaa ee aanu qaban, taas oo haddii ay badato ku abuurta murugo iyo in uu qoomameeyo in aanu waqtigii uu xoogga ahaa ka faa’idayn. Qormadan waxa uu Geeska Afrika ku eegayaa dhowr arrimood oo ah kuwa ugu badan ee uu qofku dayaco inta uu awoodda u leeyahay, xilliga gabowgana ka qoomamoodo in aanu sidii saxda ahayn u gelin.

1. Fiicnaan lahaydaa in aanan qayrkay isku dhererin: Inta badan bani’aadamka waxaa ku dhacda in noloshiisa, horumarkiisa iyo arrimihiisa badankoodaba uu ku dhereriyo qof qayrkii ah oo uu u arko in uu la fac yahay ama in uu ka karti hooseeyo balse uu arrimahan kaga sarreeyo iwm.

Talada xeeldheerayaasha cilmiga horumarinta nafta ayaa ah in noloshu ay ku fiican tahay in qofku uu noloshiisa la tartamo, oo tusaale ahaan uu mar kasta isbarbar dhigo halka uu tagtadiisii joogay iyo halka uu maanta taagan yahay iyo weliba halka uu timaadadana tiigsanayo, taas ayaa u samaynaysa macne ka fiican naftana uga raaxo badan in uu isbarbar dhigo naftiisa iyo saaxiibbadii ama qof qoyska ama garashada kale ka mid ah, waana sida ugu fiican ee uu noloshiisa ku horumarin karo, iyada oo aanay ku jirin xaasidnimo iyo xiqdi uu cid kale uurka ugu hayaa.

2. Maxaa wax aan qaban karayey aan dayacay: Aan kuu sheego sir laga yaabo in maanta aanad qiimaheeda garan balse ay hubaal tahay in aad garan doonto haddii aad noolaato marka aad waayeesho. “Ma jiro wax boqolkiiba boqol sax ahi” Waxaa jira dad arrin ama fikir gaar ah uun isku qufula in ay sameeyaan, hadda iyaga oo aan fulinteeda mar keliya isku dayeyn ee niyadda uun ka doonaya. Sababta ay u fulin la’ yihiin waa keliya cabsi ay ka qabaan guul darro ama in shaygaasi uu noqon waayo sidii ay filayeen ama u qorshaysnayd.

Haddaba aan kuu sheego in riyada aan ficilka wadan iyo qorshaha aan fulinta wadani ay nolosha u horseedaan murugo iyo qoomamo uu qofku ka bixi waayo marka uu weynaado. Naftaada ha ku ciqaabin riyo aanad ficil ku darayn ee waxa aad qorshayso ama niyadda ku hayso ku dhiirro ficilkii suurtogelin lahaana, ogowna oo mararka qaarkood noloshaaba u baahan indho-adayg iyo in aad isku miidaamiso wax aanad boqolkiiba boqol guushiisa hubin, balse rajo ay ku jirto. La soco…