Warancade Oo Mucaaradka U Digay Iyo Cabdirashiid Riyo-raac Oo Ka Jawaabay

0
574

Picture3

Hargeysa (Geeska Afrika)-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland  Cali Maxamed Warancade, ayaa u hanjabay Xisbiyada Mucaaradka oo sheegay in aanay dawlanimo u aqoonsan doonin Xukuumaddan marka la gaadho  wakhtigii loo dhaariyey xilka Madaxtinimo ee dalka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxaanu Wasiirka Arrimaha Gudduhu hadalkan ka sheegay mar Shalay Shir jaraa’iid ku qabteen Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxa uu tilmaamay in wax walba loo adkaysan karo, balse aan loo dulqaadan karin in qaranimada wax la yeelo, waxaanu tilmaamay in cidii isku dayda inay qaranimada wax yeesho inay wax ka qaban doonaan, waxaanu yidhi  “Dalkan waxaa loo soo maray dhib faro badan, waad ogtihiin waxa inaga maqan,waad ogtihiin dadkaynu ku weynay,ILLAAHAY baa mahadaa leh,dhib kasta ha ina soo gaadhee maanta waxaynu ku naaloonaynaa dawladnimo iyo gobonimo.

Wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa mar uu ka hadlaayey waxyaabaha ay u dulqaatan waxa uu yidhi “Waxaa cajiiba, cayda waanu u dul qaadanaa, kuwa na af-lagaadeeya waanu u dul qaadanaa,kuwa Madaxwaynaha af-lagaadeeya waanu u dulqaadanaa,kuwa marwooyinka af-lagaadeeya waanu iskaga aamusnaa,laakiin ninku markuu intaasba soo dhaafo ee uu yidhaa qaranba ma jiro,dawlad ma jirto ee uu himiladii Ummadani intaasoo Sanno usoo dagaalamaysay ee lagu soo hoogay ee lagu soo agoomoobay uu yidhaa ma jirto waxaanu leenahay adigaan jiridoonin, balan baanan ku qaadayaa, ninka qaranimada ka horyimaada inaanu barno qaranimadu waxa ay tahay oo aanu cashar udhigno,shacabkuna taas ha ogaado”.

Wasiir Warancadde ayaa mar uu ka hadlaayey go’aankii ay Somaliland kula soo noqotay xoriyadeeda ayaa yidhi  “Somaliland go’aan bay gaadhay 91-kii,way ka go’day Somaliya dibna ugu noqon mayso,cid ka baayac mushtarayn kartaana majirto,waxaan leeyahay halaga waan toobo,shuruuc baynu leenahay, wakhtigii hore wuu dhamaaday,doorshadii way qabsoomi wayday, dawladu way jirtaa ninkii yidhaahda mijirtana way jiidhi doontaa”.

Dhinaca kale Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac),oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa isagu jawaab adag ka bixiyey hanjabadan iyo hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Guddaha, waxaanu sheegay in wax alaale waxa uu qaadi karaa aanay jirin, waxaanu tilmaamay in Warancade ka tirsanaa Dawladdii Siyaad Barre, isla markaana wax alaale waxaanu ayaan daro ku tilmaamay inuu meel la fadhiyey Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, oo uu ku tilmaamay inay ka mid ahaayeen Mujaahidiintii SNM, halka uu Warancade-na uu ku tilmaamay inuu ka mid ahaa Dawladdii Siyaad Barre, waxaanu xusay in haddii hore loo saamaxay in dib loo saamixi doonin,hanjabada uu hanjabayaana in aanu waxba ku qaadi karin, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Waxa aan Shacabka u sheegaynaa in Wasiirka Arrimaha Guddaha in cadadiisi iyo hawlihiisi lagu yaqaanay uu ku soo noqday, waxaanu Waran-cade uu sheegay in Wadanka loo soo dhintay waa run, balse cida laynaysay dadka dhintay maanay ahayn Dawladii Siyaad Barre ee uu ka tirsanaa, ee xasuuqaysay Umadda reer Somaliland, maanu ka tirsanayn cadawgii laynayey dadkii masaakiinta ah ee reer Somaliland, isaga oo sidaas ahaa ayuu maantana difaacdaya nidaam fashilan, oo nidaamkii Siyaad Barre sidiisi u dhaqmaya, Wasiirka waxa aanu u sheegaynaa in aanay jiri doonin saamaxad dambe”

waxa ayaan daro ah oo runtii wax laga xumaado ah oo Umaddan indhaheedu qaban karaynin Warancade oo dhex taagan Mujaahid Muuse Biixi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin, inuu ka waramo runtii dhibtii uu dadkan u geystay, in gacantii birta ahayd iyo rasaastii ay Dawladdii Faqashta ahayd ee uu ka tirsanaa ay Umaddan la dhacaysay, oo uu Shacabkan uu cagta marin doono, waxaana aad iyo aad uga xunahay in Shacabkan la maqashiiiyo hanjabadaha noocaas oo kale ah, waxa kale oo aanu aad uga xunahay in dadkan oo kale ay Umaddan u hanjabaan, hore ayaa loogu maahmaahay Bahal qaydhin ma daayo, qofka cadadii ma baadsho, ee waxa aan leeyahay Cali Waran-cadde waad u baratay in aad dadka si xun ula dhaqanto, oo haddana u hanjabto, balse tani maaha tii lagagu saamaxayey, dalkana cid kasta oo qarabin waa laga xoraynayaa, dadka Maanta dalka laga xoraynayo ee cadawga ah adiga ayaa ka hormood ah, horena waa adigii u yidhi Siilaanyo waxa uu ka mid ahaa SNM-tii fulayda ahayd ee dalka ka baxsatay”.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Dhalinyaro ka  tirsan Somaliland oo laga qeyb galin doono Dagaalka Yamen ayaa  yidhi “Umadda reer Somaliland halgan dheer ayey u soo gashay xoriyadeeda, dhiig badan ayaa u daadatay, Dhalinyaro iyo Dad badan ayaa u soo dhintay, markaas madaama hadda la leeyahay Ciidan ayaa loo tababaraya dagaalka Yamen ka socda, Dhalinyaradaasna waxa laga qoranayaa Somaliland, waa khalad, waana gef, Wadamada Carabtu inama aqoonsana, qaranimadeena ma aqoonsana, haddii Ciidankaas ay doonayaan aynu ku xidhi lahayn Aqoonsi ina siiya, waxba may ahaateen, balse waa gef iyo meel ka dhac in Dhalinyaradeena la biimeeyo, oo dal aynu jaar nahay, loo isticmaalo, wax mag dhaw ahi ma jiro, wax shuruud ahi ma jirto”.