Faa’idooyinka Isticmaal Ee Batamka Ay Ku Taallo Calaamada Widows Ee Kombiyuutarka

0
572

Hargeysa (Geeska)- Sida in badani aragtay kombiyuutarka qaybtiisa ay ku yaallaan batamada qoraalka ee afka Kombiyuutarka lagu yidhaahdo (Key Board) waxaa ka mid ah batam ay ku sawiran tahay calaamadda caanka ah ee widows, inta badanna dadku ma fahmaan sidayaabaha kala duwan ee ay batamkan uga faa’idaysan karaan:

Qormadan waxa uu Geeska Afrika ku soo qaadanayaa dhowr ka mid ah siyaabaha looga faa’idaysto batamkan:

1. Batamka oo aad taabataa waxa ay kaa caawinaysaa in uu si dhaqso ah kuugu soo baxo ama xidhmo liiska barnaamijyada laga galo ee loo yaqaanno Start menu.

2. Batamka Windows oo lala qabto  Batamka Break / Pause ee dusha sare ku yaallaa waxa ay soo saaraysaa daaqadda laga akhristo macluumaadka iyo tilmaamaha kombiyuutarka aad isticmaalayso la xidhiidha.

3. Batamka Windows oo lala qabto xarafka D: Waxa uu dhaqso kuu geynayaa oogada sare ee shaashadda kombiyuutarka (Desktop).

4. Batamka Windows oo lala qabto xarafka M: Waxa uu dhaqso u laabayaa dhammaan daaqadaha iyo faylasha furan.

5. Batamka Windows oo lala qabto Shift iyo M: Waxa uu dib u soo kala bixinayaa dhammaan fayalashii iyo daaqadihii kuu laabnaa.

6. Batamka Windows oo lala qabto xarafka E: Waxa uu si dhaqso ah kuu dhex geynayaa My Computer.

7. Batamka Windows oo lala qabto xarafka F: Marka aad doonayso in aad baadho Dhukumantiyo iyo Faylal kombiyuutarka ku jira balse aanad garanayn meel aad ugu hagaagto.

8. Batamka Windows oo lala qabto batamka Ctrl iyo xarafka F: Marka aad baadhayso kombiyuutarrada kuugula jira (Kula isticmaalaya) shabakadda.

9. Batamka Windows oo lala qabto batamka F1: Marka aad doonayso in aad tagto caawiyaha isicmaalka widows ka ee ku kaydsan kombiyuutarkaaga.

10. Batamka Windows oo lala qabto xarafka L: Marka aad doonayso in aad xidho shaashadda kombiyuutarkaaga si aanu u gelin qof aan aqoonin furahaaga sirta ah.