Xadhiga Xaqdarada Ah Iyo Xabada Xukumaddu Nagu Laysay Waxaan Ku Ilaabaynaa Xurmada Qaranka U Hayno

0
726

Picture1Goor sheegto waa 9:15pm waxaan ka soo baxay masjidka sheikh dirir salaadii taraawixda habeen hore, waxaan ku si jeedaa gaadhigeyga oo ag yaal baanka dhaxe, waxaa mobile kayga ku soo dhacday fariin iga timid Liban Ismacil oo kamid ah saraakisha xuququl adama qaranka waxuuna igu wargaliyey in xaafadii daami dhaawac badan yaalo oo xaaladu adag tahay.

Waxaan la xidhiidhay gudoomiyaha xaafada wuxuuna ii sheegay iney xaafaddu aad u kacsan tahay dhaawacna yihiin 3 qof oo xabadi ku dhacday! 

Waxaan waydiiyey xalkee ayey dadka xabadu ku dhacday la geeyey? Wuxu igu jawaabay saldhiga new hargeisa.

Waxaan tagay saldhigii waxaanan kula kulmay joornaatigii haystay askarta ama  horjoogihii askarta saldhiga waxanan waydiiyey dadkii dhaawaca ahaa iyo sababta loo geyn waayey dhakhtarka wuxuna igu yidhi way yaalaan ee amar ayaan ku sii daynayaa aan ka helo taliyaha qeybta bariga iyo saraakisha kale.

Waxaan ku idhi xalkee ayey ku sugan yihiin iyagu hadda? Wuxu igu jawaabay daami. Daami ayaan tagay waxaanan kula kulmay taliyihii qeybta beriga iyo saraakil la joogtey waxaanan u sheegay iney mihim tahay dadkan dhiig baxay in la geeyo hospital oo aniga la igu siiyo damaanad soona celiyo. Wuxu igu yidhi haye tag saldhiga ila so hadashi horjoogaha ciidanka saldhiga waxaan ku soo laabtey saldhigii new hargeisa. markii aan ka soo galay albaabka oo aan dhaawicii is idhi qaad oo hospitalka gee ayaa waxaa ku soo dhacay joornaatigi saldhiga joogay telfoon waxoogaa markii uu la hadlay ayuu siidhi afuufay askar badan ayaa soo yaacday wuxu amar ku siiyey in la isku kay jabiyo oo la I xidho!

Waxaa ii yimid markiiba gawaadhi qufulan waxaanay I geeyeen saldhigyo kala duwan akhirkina waxaa la igu xidhay saldhiga koodbuur iyadoo aad mooda iney soo qabteen qof dil geystay oo ciidamo badan igu geedaaman yihiin. Waxaa la igu xidhay qol yar waxaana amar lagu siiyey askartii ilaalada aheyd inaan qof la I soo deynin, telfoon aanan ku hadli Karin, cidna la hadli Karin, sidoo kalena waxba la ii keeni Karin!

Waxaan sawiranayaa oo igu soo noq noqonaya dhaawicii dhiig baxay ee saldhiga yaalay hantidii ku burburtey daami imadii hooyoyinka xaafada iwm.

Ku darso waxay naftu il leedahay waxan ma ugu haajirtaa dalka haddana waxaan sawiranayaa iney tahay siday doonayaan kuna kooban tahay dad xun oo aan damiir laheyn dhaqanka noocan ah, waxaan ku laab qaboojisanayaa wanaaga iyo sharafta shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland noo hayaan.

Askarta ayaan su,aalay waar danbi faraha kulamaan jirin, cid maan caayin, waxaan u socday u gargaarka dad dhibaateysan oo dhaawac ah ee maxaa la igu xidhay? Waxay si kooban igu jawaabaan waa amar sare!

Waxaanan u mahadcelinaya ciidama saldhiga iyo taliyahooda diin qale oo si fiican ila dhaqmay markii danbe ee ay ogaadeen inaan bilaa sabab ku xidhanahay oo aanan wax danbi ah faraha kula jirin.

Sidoo kale waxaan si  mug iyo miisan leh ugu mahadceliyo dhamaan dadkii qowlka iyo qoraalka igu hiiliyey sidoo kalena dadaal badan ka galay siideyntayda oo ay kamid ahaayeen salaadiinta, cuqaasha, wax garadka, dhalinyarada aqoonyahanka Somaliland iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga waddani.Xaafada daami waxaa wada dagan dad walaalo ah oo is jecel cida isku diraysaa ee xumaanta ku kala wadaa waa la og yahay oo waa dawlada waayo 5 cisho ayey is dilayeen dhalinyarada xaafadu dawladu xal umey waayin oo iyadaa amaanka masuul ka aheyd hanti ayaa labada dhinacba ka burburtey dhaawac ayaa yaala labada dhinacba xukumad ay xumaanta ugu badiso tan mooye mid kale maan arag, dadka deegaanka xaafada wada daga waxaan leeyahay idinka ayaa wallaalo ah is dhowrta oo ka feejignaada shirqooda dhagareysan ee dawladu idinku hayso

Waxay aheyd dhawaan marki suuqa bartankisa la igu soo weeraray ee la iga burburiyey gaadhigeygii cid wax iga qabatey maysan jirin akhirkina cida dhibta ii geystay xukumadda ayey noqotey, haddana anigoo iska baraad la ayaa xadhig qaxdaro ah la igula kacay, waxaa rasaas nool lala dhacay bulshada gabooye oo hadda sadex qof dhawac yihiin cid dawlada ah oo booqatey iyo cid ka hadashay midna ma jiraan. Dawladan waxaan leeyahay haddii ay bulshada gabooye idin nacday oo idinka tashatay xabad iyo xadhig xalkoodu maahee ee xishooda oo sharafta qaranka ayaad huwan tihiine wax isku fala waanu adoowna inaanu dunida gaadhsiino waxaad sameyneysaan balse sharafta qaranka ayaanu dhowraynaa waa ramadaan ma jecli tirsi iyo aflagaado balse haddii aad joojin waydaan waxaad wadaan waxaa igu wallaahay ah inaan ceebtiina maqaal maqaal ugu soo qoraa saxaafada waan xishooday oo waad iga hadhi laadihiiine. Ugu danbeyti waxaan waydiinaya shacabka Somaliland xalkee ayey kaga jirtaa diinta iyo dadnimada in maati tacadiga noocan ah xabad iyo xadhig iyo xurmo la,aan lagu hayo bulshada gabooye? Somaliland guul iyo gobonimo waarta gobey liico jabin

Haldoor Barkhad Jamac Xirsi Batun

Hargeisa Somaliland