Shaqada Saamaleylka Ahi Waxay Khatar ku Tahay

0
823

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in shaqada habeennimadu dhib badan ku keento caafimaadka qofka. Cilmibaadhistan oo ay samaysay jaamacadda ugu facaweyn dalka Maraykanka ee Harvard oo ku taalla magaalada Boston ayaa dhowaan lagu faafiyey majaladda National Academy of Sciences, waxaana lagu ogaaday in qofka shaqadiisu tahay soo-jeed habeennimo uu halis ugu jiro cudurro badan oo ay ka mid yihiin Macaanka, buurnida iyo wadne xanuunka.

Warbixin ay jaamacadda Harvard arrintan ka soo saartay ayaa ay ku sheegtay in Hormoonka loo yaqaanno Leptin uu hoos u dhaco marka ay hurdo la'aantu ku badato qofka, taas oo kor u qaadda khatarta buurni saa'id ah oo qofka ku koroddha. Waxa kale oo hurda la'aanta ka dhasha heerka hormoonka keena warwarka ee loo yaqaanno Cortisol in uu kor u kaco iyada oo sidoo kalana shaqada habeennimo keenta dhiig-karka.

Daraasado hore loogu sameeyey dhibaatooyinka shaqada saamaleylka ahi ku keeni karto qofka ayaa lagu ogaaday in dadka ugu badan ee dhimashada kedis ahi ku timaaddaa ay yihiin kuwa ay hurdadu ku yartahay gaar ahaan kuwa shaqada habeennimo ku shaqeeya. Dhanka kale waxa ay daraasaduhu sheegayaan in khatarta shaqada saamaleylku ay ku badan tahay dumarka oo ay ku keeni karto cudurka Kansarka.

Khubarada daraasaddan samaysay waxa ay soo jeediyeen talooyin ay sheegeen in dadka shaqada saamaleylka ah qabta ay anfacayaan, waxaana ka mid ah:

– In aanu badsan cabbitaanka biyaha iyo bunka gaar ahaan marka uu sii seexanayo.

– In uu ku dadaalo jimicsiga jidhka gaar ahaan xilliyada hurdo iyo shaqo kadib.

– In uu habeenkii ku casheeyo cunto fudud iskana jiro cuntada culus gaar ahaan saacadaha dambe.

– Waxa u wanaagsan qofka shaqadiisu saamaleylka tahay in uu goobta shaqada ku badiyo ilayska (Iftiinka) waayo jidhku marka uu dareemo iftiin xad dhaaf ah waxa uu u shaqeeya si firfircoon waxaanu fahmaa in xilligu aanu ahayn xilli hurdo iyo raaxo.