Maaddo Lagu Daro Noocyo Ka Mid Ah Cuntooyinka

0
769

Picture2Hargeysa (Geeska)- Cuntooyinka iyo cabbitaannada warshadaysan waxaa lagu daraa maaddooyin kala duwan oo qabta hawlo lagama maarmaan u ah in cuntadaasi ay dadka macaamiisha ah gaadho iyada oo leh dhadhankii iyo muuqaalkii xiiso gelin lahaa. Inta badanna la isma weydiiyo ama dadku meel kasta oo ay joogaanba badankoodu ma yaqaannaan maaddooyinkaas oo marka warqadda sare ee qasacadda / quraaradda / kartoonka lagu soo qorayo loo soo gaabsado erey bixinno cilmiya oo ciddii aqoontaas leh ama baadha oo keliyi ay inta badan ogaan karto. Haddaba wargeyska Geeska Afrika waa uu maanta akhristayaashiisa la wadaagayaa mid ka mid ah maaddooyinka inta badan lagu daro cuntooyinka iyo cabbitaannadan oo magaceeda loo soo gaabiyo E120.

Maadadda E120 ma’aha maaddo la qariyo balse sida ku cad kutubta sayniska iyo xitaa qofka baadhaa uu ka heli karo internet ka waxaa loo isticmaalaa in ay midabka u ilaaliso cuntooyinka iyo cabbitaannada asal ahaanna waxaa laga soo miiraa noocyo ka mid ah xasharaadka yar ee qolafka sare leh ee afkeenna aynu ku nidhaahno Xaar-walwaalka iyo xasharaad la qoyska ah, xasharaadkaas oo Afingiriisiga lagu yidhaahdo Cochineal afka Carabigana Al-Khanfasaa’.

Maadadda E120 waxaa lagu daraa inta badan ee noocyada Sooska (Suugada) diyaarsan ee cuntooyinka lagu macaaneeyo, gaar ahaanna lagu daro noocyada beergarrada (Burgers) iyo Saanwiijka. Dhammaan noocyada hilibka ee qasacadaysan, oo ay ku jiraan hilibka xoolaha, kalluunnada iyo digaagga ayaa iyagana lagu daraa maadadda E120 marka laga reebo tiro aad u yar, waxaa sidoo kale lagu daraa sharaabbada qaar, nac-naca, macmaannada iyo xalwadaha carruurta loogu tala galay, iyo kiriimada saladhada lagu daro.

E120 Magacyo kale ma leeyahay?

Haddii aad aragto maadadda afka ingiriisiga lagu yidhaahdo Carmine waa midab casaan dhalaalaya ah, oo laga soo dheegto asiidhka Kermeenic ee afka qalaad lagu yidhaahdo Carminic acid oo laga soo saaro qaar ka mid ah xasharaad dirxiyeedka qolofta sare leh ee Cochineal oo ah nooca aynu xaar-walwaalka u naqaanno iyo kuwa la mid ah. waxa aanay maadaddani midab u casaan duggoon (Hurda/madow ku jiro) ka dhigtaa cuntada gaar ahaan hilibka la qasacadaynayo. Magacyada kale ee loo yaqaanno maadaddan ee laga yaabo in lagu soo qoro warqadda ku dhejisan qasacadda, quraaradda ama kartoonka waxaa ka mid ah, Crimson Lake, Cochineal, Natural Red 4, C.I. 75470, E120.

Muxuu taraa?

Waxaa loo isticmaalaa ee ugu horreeyaa waa in uu midab indhuhu u soo joogsanayaan u sameeyo cuntada lagu daray, waxaana si gaar ah loogu isticmaalaa cuntooyinka iyo maraqyada ama sooska marka la sancaynayo midabku ka guuro. Marka E120 hilibka lagu darayo ujeedadu waa in la soo celiyo midabka hilibkan oo midab guura intii hawsha warshadaynta iyo isku darka maaddooyinku socoto, waxa aanay qofka indhihiisa tusaysaa midab dareensiinaya in waxa uu cunayaa uu hilib yahay, isla markaana leeyahay dhadhankii hilibka, kalluunka ama digaagga.

Qaabkee maadaddan looga soo saaraa xasharaadka?

Xasharaadka ugu badan ee loo isticmaalo in laga soo dheegto maadadda E120 waa nooc xaar-walwaalka ka mid ah oo inta badan ku dul nool geedka dacarta loo yaqaanno, qaabka looga soo saaraana waa in xasharaadkan la soo ururiyo kadibna gebi ahaantiiba la ridqo, muudka ka soo baxana lagu daro maaddooyinka kale ee loo baahan yahay si uu u dhamaystirmo samayska maadadda E120.

Dunida oo dhan ma laga isticmaalaa maadadda E120?

Bilowgii hore maadaddan waxaa loo adeegsan jiray samaynta dharka oo lagu midabbayn jiray, muddo dambe ayaana la ogaaday in cuntooyinkana loo adeegsan karo, laakiin inta badan ee dadku ma yaqaannaan ama ma fahamsana, maadaddan iyo xitaa kuwa kale ee badan ee lagu daro cuntooyinka warshadaysan maadaama oo ereyada ay ku qoran yihiin yihiin kuwo erey bixinno cilmiya iyo xarfo af-garasho ah. Muddooyinkan dambe ayaa si isa soo taraysa loo ogaanayaa dhibaatada caafimaad ee maadaddani ay leedahay, waana sababta keentay in ay dalal badani mamnuucaan in cuntada lagu daro.

Waa maxay dhibaatada ay caafimaadka ku keeni kartaa?

In kasta oo baadhitaannada lagu sameeyo maadaddan E120 hadda uun bilow yihiin, haddana durba dhibaatooyinka caafimaad ee la ogaaday in ay ku jirto waxaa ka mid ah, xasaasiyad ay ka qaaddo carruurtu iyo marka muddo dheer la isticmaalo oo ay keento cudurka Kansarka.

Digniin: Waxaa muhiim ah in qofku mar kasta oo uu cunayo ama cabbayo cunto qasacadaysan uu si fiican u hubiyo maaddooyinka ay ka kooban tahay halka ay isir ahaan ka soo jeedaan. Waa run in aan cilmi ahaan aqoon badan loo lahayn laakiin, haddana waxa aanu shaki ku jirin in gaadhitaanka cilmigu uu hadda sidii hore ka fudud yahay, oo maadadda marka aad magaceeda hesho aad si sahal ah waxa laga qoray uga heli karto internet ka.