Khilaafkii Siyaasadeed Ee Xukuumadda Iyo Mucaaradka Oo Xalay Lagu Soo Gunaanaday Heshiis Ka Kooban

0
584

Picture6Hargeysa(Geeska)-Khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta golaha guurtida ayaa xalay cawayskii dambe si rasmi ah loo soo gunaanaday, ka dib markii ay saddexda xisbi ee Waddani, KULMIYE iyo UCID madaxtooyada ku saxeexeen heshiis ka kooban 4 qodob.

Qoraalka waxa wada saxeexay guddoomiyayaasha Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo UCID Md. Faysal Cali Waraabe, waxaana goob joog ahaa madaxweyne-xigeenka Md. Saylici.

Qoraalka lagu soo afjaray heshiiska waxa soo dhaweeyay saddexda guddoomiye xisbi iyo madaxweyne-xigeenka oo madasha ka hadlay. Heshiiska ayaa wuxuu u dhignaa sidan:  “Sidaad la socotaan gogoshii wada tashiga asxaabta qaranka ee madaxweynuhu fidiyay islamarkaasna uu madaxweyne-xigeenku hoggaaminayay ee bilaabmay bishii 5/20/2015 waxaanu yeelanay saddex kulan oo aanu ku gorfaynay kuna falanqaynay sidii mawqif midaysan looga yeelan lahaa aragtiyihii kala duwanaa ee ka dhashay go’aankii muddo kordhinta doorashooyinka ee golaha guurtida, dood dheer iyo falanqayn badan ka dib waxay asxaabta qaranku ku heshiiyeen islawaafaqeena in doorashooyinku qabsoomaan dabayaaqadda sannadka 2016 haddii Alle idmo.

Intaas ka dib waxa la soo jeediyay go’aankaas la isla qaatay inay fuliyaan hay’adaha distooriga ah ee ay khusayso arrinta si ay u noqoto go’aan qaran ahaan loo wada dhanyahay.

Sidaas daraadeed waxay saddexda xisbi UCID, Waddani iyo KULMIYE ay wada qaateen go’aamadan.

1. Waxaanu ixtiraamaynaa go’aankii golaha guurtida ee kordhinta muddo xileedka madaxweynaha, madaxweyne-xigeenka iyo golaha wakiilada maadaama goluhu uu yahay gole distooriya.

2. In doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiiladaba ay qabsoomaan bisha December 2016.

3. Waxay saddexda xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo KULMIYE  ku talinayaan in doorashooyinku ku qabsoomaan badhtamaha bisha 12aad 2016, iyadoo komishanka doorashooyinku ay soo jeedin doonaan maalinta ay qabsoomayso doorashooyinku.

4. Maadaama saddexda xisbi qaran ka heshiiyeen wakhtiga doorashooyinka waa in komishanka doorashoyinka qarankuna soo jeediyaan maalinta qabsoomida doorashada islamarkaasna waxaanu u soo jeedinaynaa in madaxweynuhu digreeto ku ansixiyo maalinta doorashada.”