Nuxurka Kulamo Uu Safiir Ingiriis Ahi La Yeeshay Madaxda Saddexda Xisbi Qaran

0
792

Picture5Hargeysa(Geeska):-Safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya dalka Somaliland iyo Somaliya  Mr. Nil Wegan oo socdaal ku jooga dalka, ayaa shalay kulamo gooni gooni ah la qaatay hoggaamiyeyaasha Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid iyo sida oo kale guddoomiyaha aqalka golaha Guurtida Somaliland, waxaana ay ka wada-hadleen halka ay marayso xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay madaxtooyada iyo aqalka golaha Wakiilada Somaliland, kuwaasi oo gogal wada-hadal oo maalmahii u danbeysay u socda dhincayada khilaafku ka dhaxeeyo ay ku soo madaatay natiijo la’aan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo warbaahinta u waramaayey kulankaasi ka dib, ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen safiirka.

"Waxaa dalka yimi safiirkii dalka, waxaana sida caadada ah uu la kulmaa mas'uuliyiinta Axsaabta iyo kuwa qarankaba, kulankana waxaa uu ka mid ahaa kulamo badan oo uu la yeelan doono Axsaabta qaranka iyo mas'uuliyiinta qaranka jamhuuriyada Somaliland si uu xog ogaal ugu noqdo xaalada guud ee jamhuuriyada Somaliland iyo arrimaha doorashada iyo xidhiidhka dawladiisa iyo Somaliland, marka waxaa uu kulanku ku saabsanaa arrintaas, kulankana safiirka waa uu u qorsheysnaa in uu yimaado maanta, qorshihiisuna sidaas ayuu awalba ku qorsheysnaa. Guud ahaana Somaliland waa aanu uga waranay xaaladeeda guud mawqifka xisbigana waanu uga waranay oo ah in wadanka ay si nabad galyo ah ay uga qabsoonto doorashadu wakhtigii uu Komishanku cayimay oo aanu u xaqiijinay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay waxii kale ee wada-hadal ah, qalbi furnaan ah ee laga wada-hadlaayo ee doorashadu ku qabsoomayso, Somaliland-na ay ku badbaadayso.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

"Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo isna la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa waxaa uu sheegay in ay safiirka isla garteen in arrimaha khilaafaadka ah ee ka dhashay ay gudahooda ku xaliyaan isla mar ahaantaana aanay beesha caalamku ku soo fara gashan, isaga oo sida oo kalena rajo fiican ka muujiyey in illaa Laba cisho ka dib ay si hamsami ah isaga soo dhammaan doonto waxii khilaaf ahi.

 “Waxaanu u sheegnay oo aanu jecelahay in wixii aanu qabanaa noqoto waxaanu anagu gacmahayaga ku qabanay oo aanay noqon wax dibada nalagaga keenay. Waxani waa wax anaga noo yaala, wixii aanu ku heshiinayna waxaanu jecelahay in aduunkuna nagu caawiyo, markaa isna(Safiirka Ingiriiska) wuu qaatay, wuxuu yidhi “anagu waxaanu jecelahay wixiinu inuu ahaado xal gudihiina ka yimaada oo anagu inaanu isku kiin soo dabaalo mooyaane faraha idinla soo gali mayno, wixii aad isku raacdaana gacan baanu idinku siinaynaa oo waa ku shaqaynaynaa. Markaa waxaanu ku nidhi insha Allah waanu isku raacaynaa sidii caadada noo ahaan jirtay, anagoo wada socona oo gacmaha is haysana saddexdayada gudoomiye ayaanu iman doonaa Nairobi oo aanu la kulmi doonaa bulshada caalamka, waxaanu jecelahay inaanu kuwa budka sita budka ka dhigno insha Allah.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Eng.Faysal Cali Waraabe oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaanu jecelahay inaanu shacbiga eegno oo aan siyaasiyiinta la eegin, mana ah in Shacbiga Somaliland oo wax badan qabsaday loogu hanjabo waxa yar ee aynu ka helo caalamka, waana in bulshada Somaliland la ixtiraamo, safiirkuna arrintaas si fiican buu u soo dhaweeyay, waad ogtihiin xalay in yar baanu ku kala kacnay oo Xisbiga kale nagaga tagay, intiina waanu dhamaynaynaa insha Allah oo bari ilaa saadambe waxaa iman doonta in saddexda Xisbi ku heshiiyaan wax umadda Somaliland ku faraxdo cadawguna ka naxo oo arrintan aynu ka gudubno arrimaha kale ee inoo yaalana u gudubno.”.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna la hadlay warbaahinta, ayaa ka gaabsaday in uu si faah faahsan uu uga hadlo waxyaabaha ay ka wada-hadleen Safiirka.

“Qoladan waxaanu kawada hadalnay uun arrimaha dalka ka dhacaya iyo qorshayaasheena,dhinaca doorashooyinkuna Somaliland ayey u talaa ee iyaga beesha caalamka uma taalo.”.Ayuu yidhi Md.Saleebaan Maxamuud Aadan.