Ma dhabaa In Madaxweyne Siilaanyo Hore U Qorsheeyay Muddo Kordhinta Labada Sannadood?

0
576

Picture3Waxa caado ama dhaqan u noqotey qof kasto madaxweyne Somaliland ka noqda inu ku xisaabtamo , muddo xileedkisa dabadi inu guurtida ka dalbado muddo  kordhin dhawr sannadood ah oon waafaqsaneyn qodobada dastuurka ee qeexaya sababaha mudda kordhinta lagu sameeyn karo sida qodobka 83 faqradisa 5 sheegeyso in madaxweynaha iyo kuxigeenkisa haddi muddo xileedkoodu dhamaanayo oy doorashadu qabsoomi weydo sababa la xidhiidha nabadgelyo xumo,aafooyiin dabici ah sida dhul gariir ,abaaro baahsan,cudurro khatar ah (Alla naguma keene ) iwm.ay guurtidu xaq u ledahey iney sameeyso muddo kordhin ku habboon WAQTIGA DOORASHADU QABSOOMEYSO ,taaso ay hore u iclaamisey guddida doorashada qaranka S/L  1june 2015. Haddaba sida ku cad qodobka 83 faqradisa 5 ma jiro xaaladaha kor ku xusan ee keeni kara muddo kordhin.Waxa sabab looga dhigey muddo kordhintan Silaanyo ( Waxey somaaalidu ku maah maahda maxa meyd ugu dambeyey iyo kaa imika la sii sido ) ee guurtidu sameeyesey arrimo farsamo ,sida hirgelinta diiwaangelinti madaniga iyo diwaangelinta cod bixiiyaasha oo xukuumadda Silaanyo xeerarkoodi keentey 2014 iminkana lagu guda jiro diwaangelinti madaniga  iyo xeerki doorashada golaha wakiiladda oo  la qabya tiri doono (wu sameeysan yahey’’ xeer 20/2005’’ ee wuxu u bahan yahey kaabis iyo wax ka badel  qudha ) .Haddaba dad badan oo indheer garadka shacabka Somaliland waxey walaac weyn ka mujiyeen isku xidhka ama lamaaneynta xukuumadda Silaanyo ku adkaysatey labada diwaangelinood,madaama waqtigu cidhiidhi yahay waxa kali ah ee aynu u bahan nahey tahey diwaangelinta cod bixiiyasha waqti xaadirkan si ay u qabsoonto doorasho xor oo xalaal ah  mar haddi diwaangelinta madaniga sannadihi hore la qaban waayey .Waxa muddo ba soo if baxaayey xogo  laga helaayey madaxtoodayada,wasiirada ku dhow dhow Silaanyo iyo madaxda xisbiga kulmiye oo sheegaya in madaxweynuhu aanu u tartameyn doorashada soo socota ee u dalban doono laba sannadood oo muddo kordhin ah, taaso dad badan la yaabi jireen, iyago dib u milicsanaay waqtigi Rayaale sida adag ee Silaanyo uga soo hor jeedey muddo kordhintisa, kuna hoggaamin jirey taageerayaashisa mudahaaraad balaadhan oo sababi jirey dhimasho iyo dhaawac  . Madaxweyne Silaanyo mar walba wuxu ku cel celin jirey inaan doorashadu maalinna waqtigeedi dhaafeyn oo hadda noqotey hal bacaad lagu lisey.Waxa kalo dad badan oo shacabka S/L isweydiinayaan mar haddaanu madaxweynuhu is sharaxeyn mar labaad muxu ku falayaa laba sanno ku dhawaadkan ee sharci darro  iyo sumcad xumo ah, qas iyo iska hor imaadna ka dhex abuurtey J.S/L !!!…

Alla mahad leh,

Eng. Bashe  C Gaboobe.