Guddiga Horumarinta Afgarad Oo Socdaal Ku Soo Maray Degmada Kalbare Ee Gobolka Togdheer

0
768

Burco(Geeska)-Wafdi kamida Guddida Horumarinta Beelaha Arab ee AFGARAD oo todobaadkii ugu danbeeyay ku jiray safaro indho indhayn ah oo ay ku marayeen deegaanada  ka tirsan gobolada Togdheer iyo Saaxil ayaa  daraad iyo shalay kulamo la qaatay shacabka ku nool Degmada Kalbare iyo tuulooyinka hoos yimaada. Safarkan ay wafdigu ku marayeen deegaanadaas ayey ujeedadiisu ahayd sidii wafdigu uu ugu kuur geli lahaa baahida nolasha aasaa-aasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo nabadagelyada  ee bulshada ku nool deegaanadaas, sidoo kalana waxa uu safarkani daarnaa in lagu wacyigeliyo shacabka deegaamadaasi inay si wada jira uga shaqeeyaan nabada iyo horumarka dalka, gaar ahaana horu marka deegaamada ay degenyihiin. Intii uu wafdigu ku jiray socdaal kan indho indhaynta ah ayaa waxa uu kulamo laqaatay shacabka ku nool tuulooyinka Ceesha, Boodhlay, Hayayti, Dhuxun iyo  Qaraar, waxaanay bulshada deegaankaasi si diiran u soo dhaweeyeen kulamada ay laqaateen wafdigu, isla markaana waxay sheegeen waxgradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu inay soo dhawaynayaan kulankan ay laqaateen guddida, sidoo kalana waxay balanqaadeen inay ka shaqaynayaan horumarka dalka.