430 Qof Oo Dalka Hindiya Ugu Dhintay Sababta Xad Dhaafka Kulaylka Xagaaga Ee Dalkaas Ka Dhacaya

0
655

Picture6Delhi (Geeska)- Dadka tiradoodu ka badantahay 430 qof ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey kulaylka cimilada oo aad u batay awgeed ugu dhintay dalka Hindiya. Waxa aanay masuuliyiinta dalkaasi sheegeen in tirada dhimashadu intaas ka sii badanayso, maadaama oo xogta dhimashada la xidhiidha weli la ururinayo, kulaylkuna weli sii socdo.

Gobollada Telangana iyo Andhra Pradesh ee koonfurta dalka Hindiya oo ah kuwa ay dadka ugu badani ku le’deen iyo deegaanno kale oo badan ayaa uu maalmihii u dambeeyey heer-kulku gaadhay 50 Digrii, caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi ayaa iyaduna ka mid ah meelaha uu kulaylka ugu badani ka jiro, taas oo keentay cabsi weyn oo laga qaado in kulaylka dartii uu laydku go’o, taas oo haddii ay dhacdo khatar gelin doonta dad badan noloshooda.

Masuuliyiinta dalka Hindiya ayaa muwaadiniinta uga digay in ay saacado badan shaqeeyaan, kadib markii kulaylka dartii ay toddobaadkii hore u dhinteen 246 ruux. Dadka dhintay oo da’doodu ay ka weyn tahay 50 ayaa ay masuuliyiintu sheegeen in ay yihiin muruq-maalka oo iyaga inta badan qorraxdu si toos ah ugu dhacdo.

Boqollaal qof oo dadka faqiirka ah u badan ayaa sannad kasta dalka Hindiya xilliga xagaaga ugu dhintay kulaylka dartii, halka tobannaan kun oo kalana ay inta badan dhibaato ka soo gaadho laydhka oo dema xilliyadan.