Diblomaasi Ingiriis Ah Oo Hargeysa Yimid Iyo Ujeedada Safarkiisa

0
512

Picture3

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa safar ku yimid safiirka Ingiriiska u qaabilsan wadanka Somaliya Danjire Neil Wigan.

Danjiraha ayaan war rasmi ah laga soo saarin safarkiisa, laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay sidii uu salaan iyo mahadcelin ugu tali lahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, maadaama oo uu safiirku dhawaan ka tagayo shaqada, iyadoo ay dawladda Ingiriisku xilkiisa u soo magacowday haweenay. Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo uga mahadcelin doonaa sidii ay u wada shaqeeyeen mudadii uu shaqada joogay danjiruhu.

Inkastoo aanu safiirkani Ingiriiska u qaabilsanayn Somaliland, shaqadiisuna tahay Somaliya, waxa haddana la filayaa in salaanta iyo mahadcelinta ka sokow uu kulanka uu maanta la yeelanayo Madaxweyne Siilaanyo uga faa’iidaysan doono inuu kala hadlo khilaafyada siyaasadeed ee wadanka ka jira ee ka dhashay muddo kordhinta ay guurtidu samaysay iyo sidii xal loogu heli lahaa.