Shaahu Waxa Daweeyaa Urta Afka, Suuska, Cirrid Xanuunka Iyo Wadne Xanuunka, Laakiin Waa Goorma?

0
669

Berlin (Geeska)- Shaaha waxaa ku jira maaddooyin si weyn jidhka uga caawiya in uu iska caabbiyo suuska, isla markaana cirridka ka ilaaliya xanuunno badan oo uu ka mid yahay, Cirridka oo dhiigga, cirridka oo feedhma iyo cirridka oo ka qodma gunta ilkaha. Waxa kale oo shaaha ku jira maaddooyin iyaguna liddi ku ah jeermiska iyo bakteeriyada ku faafta afka taas oo inta badan ah ta keenta urta aan fiicnayn ee dadka qaar afkooda laga dareemo.

Caadi ahaan waxa ay hore khuabrada caafimaadku u xaqiijiyeen in cabbitaannada kulul ay faa’idooyin badan oo caafimaad u leeyihiin ilkaha, cirridka iyo guud ahaanba afka, laakiin shaaha oo ah noociisa cagaaran (Akhtarka ah) iyo Shaaha madow (Cas ee dalkeenna aadka looga isticmaalo) waxa ay uu saamayn togan oo gaar ah ku leeyihiin caafimaadka ilkaha. Waxaa samayskiisa ku jira maaddooyin dila jeermiska afka gudihiisa ku dhasha, isla markaana yareeya faafitaanka Bakteeriyada afka gudihiisa ku dhalta. Natiijada cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo degelka Internet ka ee majaladda Das Tee Magazin ee ka soo baxda dalka Jarmalka  ayaa intaas ku dartay in koox cilmibaadhayaal ah oo u dhashay dalka Jabaan, baadhitaanno ay ku sameeyeen kun ruux oo qabay xanuunnada afka ee dad badani isku arkaan sida cirrid xanuunka, cirrid dhiigga, cirridka oo feedhma, iyo cirridka oo gunta iligga ka qodma, waxa aanay ogaadeen in markii dadkaa bukaanka ah ee tijaabada lagu sameeyey muddo la siinayey shah la arkay in dhammaantood xaalkoodu sidii hore ka soo reeyey.

Arrinta kale ee muhiimka ah ee ay cilmibaadhistani daahfurtay ayaa ah in maadadda shaaha ku jirta ee Polyphenol ay ka hortagto caabuqa ku dhaca cirridka, in ay burburiso lakabka adag ee ku dhega gunta iligga iyo sidoo kale in ay awood u leedahay iska caabbinta xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga iyo in ay ka hortag u noqon karto cudurka kansarka. maadadda Polyphenol oo shaaha oo dhan ku jirtaa waxa ay si gaar ah ugu badan tahay shaaha cagaaran.

Digniin:

– Daraasaddan waxa ay xeel-dheerayaashu si cad ugu ogaadeen in marka uu shaahu faa’idooyinkaas aynu sheegnay ee badan leeyahay ay tahay marka sonkor la’aan lagu cabbo, waayo sonkortu sida lawada og yahay waxa ay leedahay raadayn aan u fiicnay caafimaadka.

Ceebta

– Ceebta ugu weyn ee ay khubaradani shaaha ku ogaadeenna waa in uu ilkaha ku keeno midab madow xiga oo aan si hawlyar ku go’ayn, haddii aanu qofku samayn nadiifin uu ula tegey dhakhtarka ilkaha si uu u isticmaalo qalabka iyo maaddooyinka ilkaha lagu nadiifiyo.