Dabeecadaha Ninka Ee Guurka Hortii Iyo Dabadii

0
954

Buug aad  u xiiso badan oo laga qoray xidhiidh qoyska ayaa si weyn u qaadaa dhigay mawduucyo badan oo uu ka mid yahay faraqa u dhexeeya qofka guurka ka hor iyo kadib. Kala duwanaanshiyahaas oo uu qoraagu ku qoray afka carabiga waxaa qaybtan kooban soo turjumay wargeyska Geeska Afrika, waxa aanay ka hadlaysaa dabeecadaha kala duwan ee ragga guurka ka hor iyo kadib:

Guurka ka hor: Ninku waxa uu neceb yahay in uu laba wajiilenimo ku dhaqmo guurka ka hor.

Guurka kadib: Waxa uu leeyahay weji aan ahayn ka lagu yaqaanno oo dadban, waxa uu si aan niyad ahayn ula dhaqmo soddohdii iyo dumarka la saaxiibka ah xaaskiisa.

Guurka ka hor: Ninku canaan iyo cadho qof ugama gabbado in uu xaqa sheego.

Guurka kadib: Waxa uu ka baqaa in uu runta iyo xaqa sheego gaar ahaan haddii cidda uu ka cabanayaa ay tahay qaraabada xaaskiisa.

Guurka ka hor: Wax uu niyaddiisa ku hayo ayuu afkiisuna rumeeyaa.

Guurka kadib: Wixii qalbigiisa ku jira halkiisa ayuu ku ilaaliyaa, afkana wax kale ayaa uu ka sheegaa.

Guurka ka hor: Waxa uu xiiseeyaa akhriska qisaska jacaylka ah iyo mawduucyada ka waramaya arrimaha qoyska.

Guurka kadib: Waxa uu jecel yahay in akhriska iyo dhegeysiga siyaasadda iyo war kasta oo ka fog arrimaha dumarka.

Guurka ka hor: Waxa uu jecel yahay in uu dhegeysto sheekada iyo warka gabadha uu la haasaawayo.

Guurka kadib: Waxa uu ka ordaa in uu maqlo sheekada iyo wararka xaaskiisa, isaga oo ka cabsi qaba in ay u sheegto mashkilado in uu xalliyo u baahan ama cabasho aanu waxba ka qaban Karin.