Curyaan U Jidhkiisa Uu Madax Oo Keliyi Ka Fayo Qabo Oo Raadinaya Jidh Ruux Kale Oo Madaxa Loogu Rakibo

0
561

Picture7

Moscow (Geeska)- Soddon sano oo uu nolo dhib badan iyo xaalad qallafsan ku noolaa kadib ayaa Valery Spiridonov oo ah wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Ruushka oo muddo dheer ku soo noolaa nolol naafonimo oo aad u silic badan, waxa uu hadda aaminay in sida keliya ee uu nolosha ku sii wadi karaa ay tahay in uu raadiyo jidh qof dhintay dhowaantan oo inta madaxiisa la gooyo lagu rakibo. Valery waxa uu rajaynayaa in qalniin noocan ah oo loo sameeyaa uu yahay sida keliya ee uu rajaynayo in uu nolol dabiici ah ku helo, culayska hadda haystana uu kaga yareeyo hooyadii. In kasta oo khataro aad u badani k uxeeran yihiin qalniinkan khubaro badanina shaki ka qabaan in uu guulaysan karo qalniin noocaas ah, haddana Valery welli waxa uu si adag ugu adkaysanayaa in uu hawshaas diyaar u yahay kuna qanacsan yahay natiijo kasta oo kaga timaadda.

Valery Spiridonov waa aqoonyahan sita shahaadada labaad ee heer jaamacadeed ee Master oo uu ku qaatay cilmiga Injineernimada, gaar ahaan kombiyuutarrada, waxa aanu hadda ku shaqeeyaa dhinaca barnaamijyada. Xaaladdiisa curyaannimo waxa ay la soo bilaabatay  markii ay da’diisu hal sano oo keliya jirtay, markaas oo uu ku dhacay cudur lafaha jabiyey aakhirkiina isaga oo weli kuray ah ka dhigay curyaan kursiga aan ka kici karin. Valery Spiridonov go’aankiisan dad badani u arkaan in aanu guulaysanayn waxaa xoojiyey Dr. Sergio Canavero oo ah dhakhtar ku takhasusay qalniinka oo u dhashay dalka Talyaaniga, kaas oo aaminsan suurtogalnimada in sannadka 2017ka la sameeyo qalniin guulaysta oo ah noociisa kii ugu horreeyey ee madax qof inta la soo gooyo jidh kale lagu rakibo. Dr. Sergio Canavero waxa uu fikirkiisan taageero uga haystaa Akaademiyadda Maraykanka ee dhakhaatiirta qalniinka neerfayaasha iyo lafaha.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ayaa lagu sheegay in qorshuhu yahay in marka hore inta aan madaxa Valery la jarin lagu mudi doono suuxdin hal sano ah, kadibna madaxa iyo jidhka qofka maydka ah muddada diyaar garowga oo aad u yar lagu hayn doono tallaagad si aanay u dhiman. Suuxdintaas ayaa ah mid la rabo in qalniinka kadib ay Valery ka ilaaliso dhaq-dhaqaaqa inta ay isku beermayaan madaxa iyo jidhku.

Si kastaba ha ahaato ee dad badan ayaa ku doodaya in Dr. Sergio Canavero aanu qalniinkaas fulin karin iyaga oo taas caddayn uga soo qaadanaya qalniin noocan oo kale ah oo uu mar sii horreysay ku sameeyey xayawaan, laakiin xayawaankaasi uu sii noolaan kari waayey wax dhowr maalmood ka badan. Waxa ay khubaradan naqdiyeysa isku daygani ku doodayaan in ay adag tahay in Dr. Sergio Canavero uu daqiiqado gudahood ku dhamaystiro si uu uga gaadhsiiyo in aanay maskaxdu dhiman, maadaama oo uu dhiiggu ka joogsanayo.