Cabsidu Waxa Ay Leedahay Ur Lagu Garto, Sida Cudurka Ayaana Loo Kala Qaada Iyada Iyo Argagaxaba

0
711

Picture10

Berlin (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in baqdintu ay leedahay ur ay suurogal tahay in qofka baqanayaa jidhkiisa ka uriyo iyo in xitaa dadka ku xeerani uriyaan. Waxa ay cilmibaadhistani xaqiijisay in qofku uu ur ku dareemi karo dareenka baqdinta ah ee qofka ku dhowi uu qabo.

Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey oo sharaxayey sababta keenaysa in la uriyo qofka baqanaya ayaa sheegay in jidhka qofka baqanayaa si dabiici ah u soo daayo hormoonno iyo maaddooyin kiimikaad oo nooc ur ah samaynaya. Maaddooyinkaas oo urtoodu gudubayso dareenka urta ee dadka kale ee ku xeeran.

Koox aqoonyahanno ah oo ka tirsan jaamacadda Dusseldorf ee dalka Germany oo ay hormuud u ahayd Drs. Bettina Bose  ayaa intii ay daraasaddan wadeen tijaabooyinka ay sameeyeen waxa ka mid ahaa in 49 arday oo gelaya imtixaanaadkii jaamacadda kilan-killada loo geliyey cudbi si daraasad loogu sameeyo dhididkooda. Waxa kale oo ka mid ahaa dadka tijaabadan oo kale lagu sameeyey, kooxo arday ahaa oo la marinayey tababarro baqdin badan oo ah wadista mootada. Tijaabadu intaas kuma koobnay ee sidoo kale waxaa la baadhay dareenka maskaxeed ee dadkan tijaabada lagu samaynayey, iyada oo lagu rakibay qalab birlabaysan (Magnetic) ah oo qiyaasaya fallaadhaha iyo dhaqdhaqaaqa maskaxda qofka baqanaya. Natiijada soo baxdayna waxa ay noqotay in mar walba urta dhididka ka imanaya qof caadi ah iyo dhididka qof qaba dareen cabsiyeed ay aad u kala duwan yihiin, iyada oo qofka baqanayaa leeyahay nooc ura oo la dareemi karo.

Natjiiada cilmibaadhistan oo mar sii horreysay uu baahiyey talefanka Al-Jazeera oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay waxa ay intaas ku dartay in cabsida iyo argagaxu ay sababaan in jidhku soo daayo maaddo kiimiko ah, taas oo ah ta ka keenaysa in qofka aan ka ag fogeyn qofka baqanayaa uu uriyo, kadibna si la mid ah sida uu u baqanayo isna u baqo. Taas oo ay ka soo baxday natiijo labaad oo ah in baqdinta qudheeda la kala qaadi karo, maadaama qofku aan baqanayn marka uu uriyo urtan gaarka ah ee baqdinta ay keenayso in maskaxdiisuna u shaqayso qaab qudhiisa ku beeraya baqdin kana keenaya urtan mid la mid ah.