Bar-Xidhiidhka Internet Ka Ee Skype Oo Bilaabay Adeegga Turjumaadda Degdegga Ah

0
622

Hargeysa (Geeska)- Barta Internet ee ay bulshadu ku sheekaysato ee Skype ayaa salaasadii toddobaadkan shaaca ka qaadday in ay soo saartay nuskhad cusub oo weli tijaabo ah oo leh adeegga turjumaadda degdeggga ah. adeeggan oo ay shirkaddu u bixisay Skype Translator waxa ay ugu talogashay dhammaan macaamiisheeda ka isticmaala nidaamka Windows, taas oo ay sheegtay in ay uga dan leedahay in ay jebiso is-fahmi waaga afka (Luuqadda) oo abidkiiba teed ku ahaa xidhiidhka asxaabta iyo xubnaha isku qoyska ah ee kala afka ku hadla.

Shirkadda Skype oo ay leedahay shirkadda weyn ee Microsoft waxa ay degelkeeda Internet ka ku sheegtay in dhammaan dadka isticmaalka nidaamka Windows 8.1 ay si fudud u tijaabin karaan adeeggeedan cusub iyaga oo ka soo dejisanaya adeegga Windows (Windows Market) ee kombiyuutarka, ama aaladaha kale ee uu talefanka casriga ahi ka mid yahay.

Shirkadda Skype waxa ay sheegtay in adeeggeedan Skype translator uu hadda ku shaqaynayo afar af oo kala ah, Ingiriisiga, Isbaanishka, Talyaaniga iyo Afshiinaha, laakiin uu awood u leeyahay in uu turjumaad toos ah oo dhaqso ah ku sameeyo qoraallada ku qoran 50 af oo dunida lagaga hadlo, arrintaas oo la filayo in ay noqon doonto horumar fududeeya in ay dad kala af ahi si sahal ah u xidhiidhaan. Talaabadan ayaa ah mid Skype ay doonayso in ay kaga horreyso adeegyada imika suuqa sida weyn ugu cidhiidhyey ee ay ka mid yihiin, Google Hangouts, BBM, Tango, Viber iyo WhatsApp oo dhammaantood bixiya adeegga isu-dirista farriimaha gaa-gaaban iyo xidhiidhka codka ah ee sida talefanka u shaqaynaya.