Midabka Ciddiyaha Waxaa Lagu Garan Karaa Xaaladda Caafimaad Iyo Xanuunka Laga Yaabo In Uu Hayo Qofka

0
707

Picture9

Istanbul (Geeska)- Drs. Qamzah Shanburza oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa sheegtay in ciddayaha qofka oo midabkoodu noqdo caddaanka dambaska oo kale (Dadka qaar booshka ku tilmaamaan) ama xariijimo midabbo kala duwan oo lagu arko ciddiyuhu in ay noqon karto calaamad sheegaysa in ay qofka hayaan cudurro laga yaabo in ay weli qarsoon yihiin oo aanu weli isku ogaan.

Dr. Shanburzaa oo kal-kaaliye bare-sare ka ah kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Okan ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in isbedellada ku yimaadda midabka ciddiyuhu ay sababtoodu noqon karto xanuunno gaar ah oo qofka haya. Dhakhtaradda oo sii iftiiminaysa midabbada ay ciddiyuhu yeelan karaan iyo xaaladaha caafimaad ee ay ku iman karaan ayaa ay sheegtay in:

1. Cagaar / Akhtar: Midabka ciddiyaha oo laga dareemo cagaar (Akhtar) ay muujinayso in uu qofka jidhkiisa ku jiro caabuq  Bakteeriyo (Bacterial infections).

2. Casaan: Ciddiyaha qofka oo midabkoodu u bato ama si fiican looga dareemo in uu u badan yahay dhinaca midabka casaanka waxa ay noqon kartaa tilmaam muujinaysa in uu qofkaas caabuq kaga jiro afarta qol ee wadnaha dhiigga u jiida oo loo yaqaanno (Valves)

3. Buluug: Drs. Shanburza waxa ay sheegtay in ciddiyaha oo midabkoodu uu u ekaado ama u bato dhinaca buluugga uu macnaheedu yahay in uu jiro hoos u dhac ah dhinaca neefta Ogsojiinta (Oxygen) ee dhiigga raacaysa.

4. Midabka dambaska / Booshka: Haddii midabka ciddiyuhu uu noqdo midabka dambaska oo kale ama caddaanka booska aynu u naqaanno oo shabbaha cirrada timaha midabkeedu waxa ay ina tusaysaa in qofkaasi uu ka cabanayo Faytamiin yaraan.

5. Caddaan: Midabka ugu dambeeya ee ay dhakhtaraddu caddaysay in haddii ciddiyaha lagu arko ay astaan u tahay in uu qofku xanuun qabo ayaa ah midabka caddaanka caadiga ah. waxa aanay sheegtay in ciddiyaha oo caddaan midabkoodu noqdaa ay astaan u tahay in uu qofku qabo nooc uun ka mid ah xanuunnada beerka ku dhaca.

Ugu dambayntii Dr. Qamzah Shanburza waxa ay sheegtay in xariijimaha midabbada duggoon (Hurda) leh ee lagu arko  ciddiyuhu ay tilmaam u yihiin, gaabis ku jira hawl-qabashada wadnaha ama da’da qudheeda oo gabowga ayaa keeni kara xariijimahaas.