Geeska Afrika Oo Xogo Dheeri Ah Ka Helay Mawqif Adag Oo Ay Labada Xisbi Mucaarad U Gudbiyeen Ergadii KULMIYE Iyo Tanaasul Laga Dareemay Xukuumadda

0
600

Picture8Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa mawqif midaysan shalay u gudbiyay dhinacii xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ee ay wada hadalada khilaafka muddo kordhinta lagu xalinayaa u bilaabmeen.

Ma jiro war rasmi ah oo lagu cadeeyay mawqifka ay labada xisbi mucaarad u gudbiyeen xukuumadda, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Waddani iyo UCID ay xukuumadda iyo KULMIYE u gudbiyeen inay taaganyihiin mawqif ah inay doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigii ay guddiga doorashadu u cayimeen ee ahaa 1 June 2016, halka ay dhinaca xukuumadu iyaguna sheegeen inay taaganyihiin sannad iyo tobanka bilood ee ay golaha guurtidu kordhiyeen.

Hase yeeshee ilahan xogogaalka ah ayaa sheegay in ergadii xukuumadda iyo KULMIYE ay bixiyeen bidhaan muujinaysa inay ka soo dabcaan mawqifkaas adag ee muddo kordhinta, waxaana la sheegay in xubno muhiim ah ay kulanka ka tilmeen inay diyaar u yihiin tanaasul. Waxaanay warar soo baxay tilmaamayaan suurtogalnimada in madaxtooyadu soo jeediso in lagu saleeyo muddo kordhinta soo jeedintii aan tisqaadin ee asxaabta mucaaradka ee ahayd 15 November 2016 oo shan bilood iyo shan iyo toban maalmood ka badan wakhtigii ay guddiga doorashadu cayintay islamarkaana dhawr bilood ka yar muddo kordhinta golaha guurtida. Waxaana la filayaa in ergada xukuumadu ay Sabtida la gole tagaan mawqifkan oo ah mid tanaasul ah oo aanay dad badan oo siyaasadda lafo-guraa ka filayn xukuumadda.

Si kastaba ha ahaate wada hadalka bilaabmay ayey shacabka Somaliland aad u soo dhaweeyeen, si uu meesha uga baxo muranka iyo loollanka siyaasadeed ee xukuumadda iyo mucaaradka oo shacabka Somaliland daashaday.