Hadalada Ay KULMIYE, Waddani iyo UCID Ka Jeediyeen Wada Hadalkii Furmay

0
578

Hargeysa(Geeska):-Gogashii wada-hadalka ee dhawaan ay xukuumada Somaliland u fidisay Axsaabta mucaaradka, ayaa shalay si rasmi ah uga furmay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaana kulankaasi lagu gorfeeyey Ajandeyaasha shirka wada-hadalka ee xisbiyada qaranka Somaliland, iyada oo guud ahaan laysku raacay in waxa shirka lagaga wada-hadlayaa ay tahay khilaafkii siyaasiga ahaa ee muddooyinkii danbe ka dhashay muddo kordhintii ay golaha Guurtida Somaliland u samaysay xukuumada iyo aqalka golaha Wakiilada oo xisbiyada mucaaradku ay si aada uga biyo diideen.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci), hoggaamiyeyaasha sadexda xisbi qaran iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, waxaana loo balamay in kulan dambe la isugu yimaado Sabtida.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci), oo kulankaasi shir-guddoominaayey, ayaa ugu horeyn waxaa hadalo kooban ka yidhi furitaankii shirka."Kulankii ayaanu maanta iskugu nimi, waana aanu furanaynaa shirkii aanu ku balanay ee aanu ku baaqnay haddii aanu nahay xukuumada ee ahaa in sadexda xisbi qaran ay ka wada hadlaan kana wada tashadaan hawshii muddo kordhinta ee Guurtidu samaysay, shirkana waanu furanaynaa Insha Allah, waxaana aan si guud isu odhanaynaa waxan ina horyaala waa dan qaran, dan qof leeyahay maaha, danta qarankana innaga oo mar walba ka horeysiinaynaa ta gaarka ah ayeynu waxii ina horyaala aynu ka wada hadlaynaa sidii ugu haboon ee aynu wax u hagaajisanayno iyada oo aanay wax curfi iyo cadho ahi aanay jirin sidaas darteed waxaan leeyahay shirku waa uu inoo furan yahay.". Ayuu yidhi Md.Saylaci.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo kulankaasi ka dib isaga iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada Kulmiye iyo Ucidba ay qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey waxyaabihii kulanka ay kaga wada-hadleen.

"Sida aad ka warqabteen maanta(Shalay), waxaanu nimi gogashii ay xukuumadu dhigtay ee ay u dhigtay sadexda xisbi qaran, waxaan shirka guddoominaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, markii aanu isku nimi waxaanu ka doodnay waxa laga wada hadlaayo, waxa laga wada hadlayaa waxaa uu noqday khilaafka ka dhashay go'aanka muddo kordhinta ee golaha Guurtida, Axsaabtu meelo kala duwan ayey joogeen, laakiin waxaanu isla garanay in xal siyaasi ah la doono, taa daraadeed oo axsaabtuna ay u soo waranto axsaabtoodii, sabtidana la isku soo noqdo, xal siyaasi ahna loo raadiyo arrinta khilaafka ah ee ka dhalatay muddo kordhinta ay Guurtidu gaadhay, marka Insha Allah waxaa la isku soo noqon doona uun Sabtida, shacbigana intaas ayuunbaanu u sheegayna.".Ayuu yidhi guddoomiye Ciro.

Picture7Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu dhankiisa tilmaamay in kulankii go’gasha wada-hadalka ee madaxweyne ku xigeenku u fiyey axsaabta qaranka Somaliland uu ku furmay jawi degan sida oo kalena maalinta Sabtida ah loo balamay sidii looga wada-hadli lahaa xalka kama danbeysta ah ee laga gaadhayo khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta ay Guurtidu samaysay.

"Maanta sidii aad ka warqabteen waxaanu galnay oo aanu bilownay shirkii sadexda xisbi qaran ay kaga wada hadlayeen arrinta dib u dhaca doorashooyinka oo uu guddoominaayey madaxweyne ku xigeenku, Illaahay ayaa mahadleh, marka aanu arrimihii isla eegnay bilow ayaa uu shirku ahaa, markii aanu dhinac walba ka eegnay, waxaa aanu ku heshiinay Ajendahii shirka iyo sidii aanu u gudo gali lahayn, annaga oo si walaal timo ah oo niyad sami ah, qolo walibana ay si degan oo mas'uul ah u soo fikirtay, waxaanu isla eegnay qodabadii muhiimka ahaa, qaabka uu shirku u soconaayo Ajandaha iyo sida aanu u wadayno, waxaanu ku heshiinay in Ajandaha shirku noqdo in arrinta cid waliba ay dhinac iska taagtay ee dib u dhaca doorashooyinka ka dhashay aynu helno xal siyaasi ah oo sadexda xisbiba ku qancaan oo ku heshiiyaan oo aanu gudahayaga ku dhamaysano, waxaanu isla qaadanay in barito oo khamiis ah iyo jimcaha qola waliba ay isku noqoto, sabtidana haddii Alleh yidhaahdo aynu furano doodii ahayd arrintan sidaynu uga baxnaa oo Ajandahii si toos ah loo galo.".Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, oo isna ugu danbeyntii halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa Illaahay ka baryey in kulanka maalinta Sabtida loo balan san yahay ay ka soo baxaan go’aamo farax galiya umadda reer Somaliland sida oo kalena ka nixiya cadawga qaranka Somaliland, waxaa kale oo faan iyo been abuur ku tilmaamay hadal dhawaan uu xoghayaha Xafiiska UNSOM ee Somaliya Mr.Niklas Kay ka jeediyey golaha Amaanka oo ku saabsanaa in uu dhinacyada khilaafka siyaasiga ah ee ka dhaxeeyo uu ugu baaqay in ay wada-hadlaan, waxaan uu Eng.Faysal tibaaxay in aanay waxba ka jirin hadalkaas uu sheegay Niklas Kay, balse ay ka dawlad ahaan iyagu wada-hadalka isagu baaqeen oo aanay cidna dabada kaga riixin.

"Waa arrin adag weeye, intii aynu jirnayna marnaba arrinteenu may gaadhin golaha Amaanka ee qaramada midoobay, arrinteena golaha Ammaanka ayaa laga sheegay, waliba waxaa ku faanay ninka la yidhaahdo Niklos Kay oo yidhi, waxaan ku booriyey in ay wada-hadal furaan, horta waxaan u sheegayaa isagu nagumuu boorin ee annaga ayaa keenay arrintan, in uu ku faano maaha, waana wax uu innaga inaga arkay weeyaan. ta kale waxaad ogtihiin haddii aan annagu Ucid nahay Labadan xisbiba Labadaba waa loo kordhiyey oo Laba nin oo loo kordhiyey ayaanu la fadhinay oo is daafacaya mawqifkoodii, xisbiga qudha ee aan loo kordhin waa annaga, marka waxa weeye arrinta waa in sidaas loo kala gartaa Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Ciraba waa loo kordhiyey aniga ayuunba aan waxba la ii kordhin, marka sidii inoo cada ahayd waxaanu galnay arrintii oo in aan laga tashan ma sharciba mise maaha oo aynu xal doono oo aan la odhan waa sharci iyo sharci maaha, waayo wax badan ayaa haddii maanta sharciga lagu soconaayo aan sidaas u taagnaadeen, marka in aan sidii caadadeena ahayd aynu xeer jajabkeenii oo aynu dalkeena iyo dadkaba ugu tudhaynay in la tago halkaa oo aanu wada-tashina aan kula noqono Asxaabteenii, Insha Allahuna sidii caadada inoo ahaan jirtay aan Sabtida wax umadda ka farxiya, cadawgana ka nixiya ay ka soo baxdo, Illaahay ayaana aanu talo saaranay.".Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.