Maanta Silaanyo Kursiga Madaxweynaha Kuma Fadhiyeen Haddaan Beesha Caalamku Dhex Dhexaadin!!

0
518

Picture6Beryahan  ba axsaabta mucaaridka iyo madasha wada tashiga markey u cadaatey in xukuumadda Silaanyo doorashada waqtigeedi sharciga aha aaney ku qabaneyn mar haddey ku adkeysatey in marka hore la sameeyo diwaangelinta madaniga ka hor intaan la sameeyn diiwaan gelinta cod bixiyaasha( Diwaan gelinta madaniga oo ila maanta fari ka qodneyn, diwaan gelinta codbixiyaashuna weli mey bilaabmin ,wa islaanti xaabadi saarneyd la kici kari weydey haddana tidhi xaabo kale ii kordhiya)  ayey ku taliyeen in shir wada tashi oo laga arrinsanaayo waqtiga cusub ee doorashadu dhaceyso la isagaga yimaaddo,axsaabta mucaaridka,xisbiga kulmiye iyo xukuumadda Silaanyo.Taaso xukuumadda Silaanyo sida beryahan ba caadada u aheyd dheg jalaq siin weydey iskana wadatey mashruuceedi muddo kordhinta ee ay la gashey Salebaan iyo guurtida.

Waxaad mooddaa in xukuumadda Silaanyo   wixi shalay ay diidaneyd  markey mucaariidka ahayd  maanta ay jecashahay(Illowshiyo dhawaa ma umul ba’) markey kursigi madaxtinimada fadhisatey sida muddo kordhinta oo marwalba oo la sameeyo ay diidaneyd, bannaan bax salmi ahna taageerayaasheda ugu baaqi jirtey qaarna kaga dhiman jirey rasaasta askartu ku riddo,maantana taageerayaasha xisbiga waddani ayeey u diidey iney soo baxaan bannaan bax salmi ah. Haddaba qof kasta oo muw’aadin somaliland ahi ma jecla in cidi inna soo dhex gasho ,laakiin wa goorma?

Wa marka aynu arrimaheena ku dhameeysano wada tashi iyo isku tanaasul sida dhaqanka suubban ee S/L ahaan jirey ,laakiin sida hadda xukuumadda kulmiye u dhaqmeyso loo joojin maayo ,muddo kordhiin siyaasadeysan ,cabuudhinta xorriyatal qawlka iyo saxaafadda madaxbannaan wax shacabka S/L iyo beesha caalamku aqbalaayo MAAHA … .Adduunku wa tuula yar oo iska wada warhaysa  (The world is a small village).Waxeynu ka wada war heyna  madax dawladaha jaarkeena oo maxkamad caalami ah looga yeedhey iyago lagu eedeynaayo xasuuq ay dadkoodi  u geysteen iyo qaar  lacagaha ay dalalkoodi  ka xadeen oo baangiga debeddaha ay dhigteen  laga xanibey..

Waxeynu wada ogsoonahey in doorashadi 2010 markey xaaladdu cakirantey ee mucaaridkuna qaatey go’aan  adag oo ah inaanu muddo kordhin dambe aqbaleyn,mudaaharaad balaadhan oo joogta ah usoo baxey in beesha caalamku inna soo dhex gashey ,lixda qodobna laga soo saarey oo waliba qodobka afraad uu aha in la keeno khuubaro caalami oo dhex joogta guddiga doorashada oo ka caawisa Serverka iyo cayiminta waqtiga doorashada.