Cabdiraxmaan-Cirro Oo Dhaliilay Siyaasadda Dibada Ee Xukuumada

0
712

Picture4

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), ayaa si adag u dhaliilay siyaasada arrimaha dibadda ee xukuumada madaxweyne Siilaanyo isaga oo tilmaamay  mudadii ay jirtay Somaliland xukuumada Siilaanyo ay daciifisay xidhiidhkii ay Somaliland la hayd beesha caalamka, waxaana uu carabka ku dhuftay in wadamo badan oo dunida ah isla mar ahaantaana xidhiidh soo jireen ah la lahaa dawlada Somaliland ay xukuumada hada jirta xidhiidhkii u jartay. Waxa kale oo uu xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in ay iska ilowday sidii ay beesha caalamka uga raadin lahayd Ictiraaf buuxa oo ay Somaliland ka hesho dunida inteeda kale.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaah (Ciro), ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyey munaasibad xisbiga Waddani uu ku xusaayey sanad guurada 24aad ee 18ka May, waxaana uu ugu baaqay in xukuumada Siilaanyo ay bulshada u soo bandhigto qorshaheeda siyaasadeed ee ay ku wajahayso beesha caalamka iyo sidoo kale Ictiraaf raadinta.

"Somaliland himiladeedu waxaa ay ahayd in ay hesho Ictiraaf, Afar iyo Labaatankaa sannadood halgan dheer ayaa aynu soo galnay si aynu Ictiraafka u helno oo ay ugu muhiim sanayd in aynu dhisnay hanaan dimuqraadi ah oo ku salaysan Axsaabta faraha badan iyo xoriyada Saxaafada oo madax-banaan, Labadii midba waxaynu maanta ka taaganahay gacmo madhan, waxay ila tahay ictiraafna waa aynu ka sugaynaa beesha Caalamka, ma Guurti ayaa aynu Ictiraaf ka doonaynaa?. Waxaan leenahay intii ay Somaliland jirtay saaxiibo badan ayaa ay samaysatay, dalal badan ayaana aynu saaxiibo ku yeelanay, mudaneyaal badan oo ka tirsan Baarlamaanada aduunka ayeynu saaxiib la noqonay, intii se ay dawlada Kulmiye jirtay intiiba waa aynu luminay, intii kalena xukuumadeenu waxaa ay ugu heesaysaa beesha caalamka.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Ciro, waxaa uu sida oo kale ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta ay Guuridu samaysay isaga oo tilmaamay in ka hor ay ka axsaab ahaan Guurtida uga digeen khilaaf ka dhasha go’aanka ay soo saarayaan, waxaa kale oo uu si diiran u soo dhaweeyey go’gasha wada-hadal ee xukuumada Siilaanyo u fidisay Axsaabta mucaaradka.

"Waxaad ka warqabteen in Axsaabta siyaasadu ay aqbaleen maalintii ay Komishanku soo jeediyeen go'aankii doorashooyinka, waa markii ugu horeysay taariikhda Somaliland ee axsaabta iyo xukuumadu ay isku waafaqeen maalin kaliya, waxa kale oo iyadana aynu ka warqabnay in 2010kii uu khilaaf weyni ka dhashay dalka, waxaana uu ka dhashay iyada oo lugu heshiin waayey maalin kaliya. nasiib wanaag iyada oo intaas oo dhami ay jirtay ayaa golaha Guurtid waxaa loo gudbiyey wax la isku ogyahay oo la isku waafaqsan yahay oo umadda oo dhami ay ogayd in ay ansixiso, waajibka qabashada iyo cayimida doorashadana waxaa iska leh gudida doorashooyinka qaranka, waxaana beesha caalamka, axsaabta mucaaradka iyo bulshada Somaliland-ba ay Guurtida uga digeen in aan go'aankoodaasi bulshada Somaliland ku abuurin khilaaf siyaasi ah, hase yeeshee waxii laga digaayey waa ay dhaceen, xukuumada ayaa markiiba qiratay in go'aanka Guurtida uu khilaaf ka dhashay, waxaan ay yidhaahdeen go'gal ayaanu fidinay, annaguna sidii dhaqanku ahaa waanu ogalaanay gogashaa ay furtay xukuumadu, annaga oo og in albaabka ay furtay ay dib u xidhi doonto, waana aanu soo eegaynaa in albaabku furan yahay iyo in kale. waxaanan bulshada Somaliland u sheegaynaa xisbiga Waddani go'aan ayaa uu gaadhay, waa go'aan ay bulshadu ku farxi doonto iyo beesha caalamkuba, go'aankaasna shirka wada-hadalka ayaad ku ogaan doontaan haddii Alleh idmo."Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ciro.

Guddoomiye Ciro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa ugu danbeynti waxaa uu yidhi:"Dawlada Somaliland, waxaa ay muddo dheer hiigsanaysay in ay hesho ictiraaf caalami ah, dawladihii soo maray ayaana arrintaas aad uga shaqeeyey, ictiraafkuna waxaa innagaga xidhan yahay beesha caalamka, waxaana aynu u baahanay in hab dhaqanka aynu la leenahay beesha caalamka aynu hufo oo aynu wanaajino si aynu u kasbano quluubtooda, waxaa dhaqanka xukuumada ka muuqada in arrintaas laga soo shaqaynaayey mudada dheer aanay iyadu halkii ka sii wadin oo aanay saaxiibo kasbanaynin ee ay luminayso saaxiibo, waxaan la yaabnay shalay nin Dubey jooga oo darajada uu sito aanan garanaynin uu iska yidhi hay'adaha Somaliland jooga ayaanu eryeynaa, waxaan u mahadnaqayaa sida ay wararku igu soo gaadheen wasiirkii arrimaha dibadda ayaa beeniyey, bal idinku waa kaas ee eega dawladu iskuma war hayso isaga oo qurbe jooga ayaa uu leeyahay kuwii gudaha joogay ayaanu erinay, wasaaradiina waxaa ay tidhi waxba kama jiraan eesh qiyaasak bal eega siyaasadii arrimaha dibadda ayaa halkaas maraysee. Xukuumada Somaliland in aanay lahayn qorshe siyaasi iyo mid ictiraaf raadis ahba madaxweynaha ayaa innoo cadeeyey, khudbadiisii Kalmada Ictiraaf la yidhaahdo kumuu soo darin mar qudha, waxaanu ka codsanaynaa xukuumadu bal in shacabka u soo bandhigto qoshaheeda Ictiraaf raadinta.".