Dhakhaatiir Ajaanib Ah Oo Adeegyo Caafimaad Bilaash Ah Ka Fulinaya Somaliland

0
565

Picture2Hargeysa (Geeska)- Hawlgal caafimaad bilaash ah oo ay dalka Somaliland ka fulinayaan dhakhaatiir ajaanib ahi, ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Dhakhaatiir u kala dhalatay dalalka Ingiriiska iyo Newzeland oo ku bahoobay urur magaciisa la yidhaa Troppo Doc, ayaa bilaabaya adeegyo caafimaad oo la siinayo dadka jilicsan ee nool dhulka ka fog magaalooyinka goobaha caafimaadku ku yaalaan.

Kulan wadajir ay u qabteen shalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil , xubno dhakhaatiir ka socda ururka Troppo Doc iyo madaxda hay’adda SHIFAT oo ka qaybqaadatay hawshan adeegga caafimaadka, waxay ku shaaciyeen in hawlgalkan dhakhaatiir ajaanibka ahi ka fulin doonaan dhammaan gobollada Somaliland oo ay ku wareegi doonaan muddo ilaa lix toddobaad ah.

Hoggaamiyaha kooxda dhakhaatiirta ee ururka Troppo Doc Dr. Derrick Alan oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay u yimaadeen Somaliland sidii ay dadka u caawin lahaayeen, “Waxaannu halkan u nimi in aannu caawinno dadka laga yaabo in ay awoodi kariwaayeen adeegyo caafimaad, waxaannuna tagaynaa meelaha fog fog ee miyiga ah oo aannu caawinno intii awoodayada ah,” ayuu yidhi Dr. Alan.

Sidoo kale, Agaasimaha hay’adda SHIFAT Mr. Muuse Xasan Yuusuf, ayaa si wayn ugu mahadceliyey dhakhaatiirtan ajaanibka ah ee taageerada dadka tabaalaysan u yimi dalka, isagoo shacabka ka codsaday inay soo dhaweeyeen, waxaannu yidhi, “Waxaan rajaynayaa in dadkan inoo fulinaya adeegyada caafimaad ee bilaashka ah aynu soo dhawaynayno oo aynu ka qaybqaadanno, waxaannu mari doonaa dhammaan gobollada dalka oo dhan Isha Allaah, annagoo rajaynayna inta ay joogaan in aynu ka faa’iidaysanno.”

Waxa kaloo uu ugu baaqay dhakhaatiirta kale ee Somaliland inay ka qaybqaataan hawshan ay bilaabeen oo halkaasi laga sii wado si dadka aan gaadhi karayn goobaha caafimaadka ama aan awoodin loo caawiyo.

 Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Md. Xasan Daahir Dhimbiil, ayaa soo dhaweeyey dhakhaatiirtan iyo adeegga ay fulinayaanba oo uu xusay in dalku u baahan yahay, waxaannu yidhi, “Runtii dalkeennu waxa uu u baahan yahay wax badan, adeegga caafimaadkana inkastoo wax badan laga qabtay weli baahi badan ayaa jirta, markaa iyadoo baahidaa la tirxgelinayo dhakhaatiirtan ajaanibka ah waxay inoogu yimaadeen inay si lacag la’aan ah u caawiyaan dadkeenna oo meel kasta oo ay tagaan waxay fidinayaan adeeg caafimaad oo bilaash ah, iyagoo degaan kasta ugu talogalay inay muddo go’an joogaan, way dhici kartaa inay meelaha qaarkood dad badan oo aanay filayn ugu tagaan.”

“Waxaan bulshada ugu baaqayaa inay ka qaybqaataan adeegaa caafimaad oo qof kastoo xannuunsanaya uu la kulmo dhakhaatiirsan, iyadoo ciddii waxba laga qaban kariwaayo oo loo soo gudbiyo cusbitaallada.”

Md. Xasan Daahir waxa uu u mahadceliyey muwaadiniinta reer Somaliland ka soo shaqeeyey arrintan, “Dadka Somaliland nin kasta oo dalka dibaddiisa joogaa waa safiir, waxyanu wadanahay ummad wada dadaalaysa matalaysa ama keenaysa dalkooda wixii ummadda dan u ah, anigoo arrintan uga mahadnaqaya muwaadiniinta ka soo shaqeeyey,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadku