Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Marxuum Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile

0
598

Picture1Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile oo ku geeriyooday Hargeysa 20/05/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa waxaanu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.