Waa Tuug Laakiin Weli Damiirkii Aadamenimo Kama Uu Wada Dhammaan (3)

0
579

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee Qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qisaska tuug iyaga oo ku gudo jira falkii tuugonimo / budhcadnimo uu hadhaadigii damiirka ee qalbigooda ku hadhay dib u saxay.

Dalka Maraykanka waxaa ka dhacday in nin tuug ahi gaadhi uu xadayey ka qaatay kamarad, laakiin si dhaqso ah ayaa uu isaga soo celiyey, kadib markii uu ogaaday in gabadhii kamaraddan lahayd ay qabto cudurka kansarka, sababta ay kamaraddan u sidatayna ay ahayd in ay iskaga qaaddo sawirro ay u dirto carruurteeda si dhimashadeeda kadib ay xasuus uga dhigtaan.