“Hooyadu Waxa Ay Jeceshay In Inanteedu Ay Hesho Nin Aabaheed Ka Wanaagsan, Laakiin Waxay Aaminsantay In Inankeedu Aanu Heli Karin Gabadh Hooyadii Oo Kale Ah”

0
677

Hargeysa (Geeska)- Waa murti iyo hal-haysyo xikmado badani ku duugan yihiin oo laga soo minguuriyey ummado kala duwan, balse xikmaddoodu ay tahay mid cid kastaa ka faa’idaysan karto.

– Hooyadu waxa ay jeceshay in ay inanteeda u hesho nin ka wanaagsan aabaheed, laakiin waxa ay aaminsan tahay in aanu inankeedu marnaba heli Karin xaas ka fiican hooyadii.

– Haddii aad dooddo ha cadhoon, waayo xujadii ayaa kaa lumaysa.

– Maanta ayaad joogtaa ee ha u murugoon wax beri dhici doona, laga yaabaa in aanad gaadhin berri, maalintii aad joogtayna farxaddeeda aad iska xarrimtay.

– Saddex arrimood ayaa qofka qiimo tira, Maal jacayl, Danaystenimo iyo maamul jacayl. Saddex arrimoodna kor ayaa ay u qaadaan, naf-hurid, ballan oofin iyo karaamo badni.

– Gabadhu quruxda ayaa ay ka jeceshay fariidnimada, waayo waxa ay og tahay in ninku maskaxda horteed indhaha ka fikiro.

– Sirtu qalbiga gabadha waa ku sun, haddii ay is dhaafin weydo waa ay dilaysaa.

– Hurdadu waxa ay macaanaan lahayd haddii uu qofku awoodo in uu doorto riyada uu arkayo.

– Qofka maalkiisu raad taban ku yeesho noloshiisa waa doqon, qofka uu karaamadiisa ku yeeshaana waa qof liita, qofka maalkiisu raad taban ku yeesho xidhiidhka uu la leeyahay umaddiisa iyo dalkiisuna waa dembiile, qofka maalkiisu raad taban ku yeesho iimaankiisuna waa diin laawe.

– Shacbiyaddu waa in marka aad xilka ka degto ay dadku kuu jeclaadaan sidii ay kuu jeclaayeen markii aad qabsatay am aka badan.

– Qofka marka aad la joogto kaa baqaa, waxa uu ka neceb yahay marka aad ka maqan tahay.

– Gabadhu abuur ahaan ayey u tahay qof waxa kasta ku talax taga; Marka ay toban jir tahay waxa ay ku talax tagtaa kool-koolin jacaylka (Jacaylka ay u qabto in la koolkooliyo), Labaatan jirka waxa ay ku talax tagtaa is qurxinta, Soddon jirka waxa ay ku talax tagtaa ubad iyo dhalmo jacaylka, Afartan jirka waxa ay ku talax tagtaa cuntada, Konton jirkana waxa ay ku talax tagtaa hadalka.