Waa Tuug Laakiin Weli Damiirkii Aadamenimo Kama Uu Wada Dhammaan (2)

0
662

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee Qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qisaska tuug iyaga oo ku gudo jira falkii tuugonimo / budhcadnimo uu hadhaadigii damiirka ee qalbigooda ku hadhay dib u saxay.

2. Dalka Ustareeliya waxaa ka dhacday in nin tuug ahaa oo gaadhi daaqaddu u furan tahay xadayey uu helay talefan casriya oo nooca qaaliga ah, markii uu tuuggii la tegey talefankii ee uu furay si inta aanu iib geyn uu u eego waxa ku jira ayaa waxaa qaybta filimadu ku jireen kaga soo baxay sawirka nin weyn oo carruur yaryar fara xumaynaya.

Ninkii tuugga ahaa aad ayaa uu uga cadhooday falka uu arkay, wawxa aanu markiiba tegey saldhiggii bilays ee ugu dhowaa si uu ugu qirto tuugada uu ku kacay, laakiin uu sidoo kale booliiska u tuso filimka tacaddiga muujinaya ee ku jira talefanka si ay u ciqaabaan qofkii falkaas ku kacayey.

Ninkii tuugga ahaa sidii sharcigu ahaa xabsiga ayaa loo tacaabay si maxkamad loogu geeyo dembiga uu galay oo ah in uu talefankan xaday, waxa kale oo ay booliisku gacanta ku soo dhigeen ninkii xaqlihii talefankan oo noqday nin 46 jir ah oo baadhis kadib la ogaaday in uu caadaystay fara xumaynta carruurta, sidii ayaana xabsiga loogu taxaabay si maxkamad ciqaabta loo horgeeyo.