Ilaallinta Xuquuqda Shaqaalaha Ganacsiyada Ama Shaqooyinka Gaarka Loo Leeyahay Oo Ay Ku Jiraan Shaqaalaha Guryaha Ka Shaqeeya

0
824

Picture1Dooda ugu horeysa marka laga hadlayo shaqaale iyo loo shaqeeye waxa ay tahay muxuu noqonayaa xidhiidhka u dhaxeeyanaya loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha? haa, mid shaqadiibuu qabanayaa oo ka kalena bixintii buu leelayahy, laakiin tani waa wax aad u fudud oo lamida sida mechanic gaari biro gelgelinaya.? Ama ma jiraa wax intan dhaafsiisan oon ahayn shaqo iyo lacag bixin labadan qof u dhaxeeysa?

Haa Nabigeena SCW waa uu ka jawaabay hadii ay tahay hadal iyo ficilba. Waayo waxa uu ina baray Caddaalad, kalgacal iyo in latixgeliya qofka jiritaankiisa dhamaan inta isaga hareerihiisa joogtay. Waxaa uu ku faafifey awooda kalgacal walaaltinimo oo uu doonay loo shaqeeyuhu inuu tixgeliyo shaqaalihiisa iyadoo asaas utahay walaaltinimo. Waxaa uu soo noqday shaqaale iyo loo shaqeeye labada.  Shaqaale ahaan Nebigeenu (SCW) waxaa uu ahaa ari raac sanadihiisii ugu horeeye, intaa kadib waxaa uu noqday ganacsade ku aflaxay shaqadiisa ganacsi. Shaqo kastoo uu soo qabtay waxaa uu gutay sida ugu wanaagsan ooy ku jirto aqlaaq wanaagsan iyo aaminaad. Culimadu waxay yidhaahdaan dhamaan hawlahani waxa uu qabtay intii aanay risaalada ku soo degin.  Loo shaqeeye ahaan Nebigeenu (SCW), waxuu uu lafadhiisan jiray shaqaalihiisa (inankii gacan yarihiisii Anas) isagoon iska weyneysiinayn oo meel wax kula cuni jiray. Anas waxaa laga weriyey isagoo mudo 10 sano u shaqeynayey Nabiga (SCW) inuu yidhi weligii iguma qeylin  “Hadii aan wax sameeyo, weligii ima odhan waxanaad samaneyso waa maxay; Iyo Hadii aan sameyn wax hawla, weligii ima odhan  maxaad hawshaas u qaban qabanweyday”. Waxaa uu ahaa buu yidhi qofka ugu dabci wanaagsan ragoo dhan….  Nebigu (SCW) waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Shaqaalahaagu waa sida walaalkaa ama walaashaa oo Ilaahay adiga masuul kaaga dhigay inaad maamusha intaay kula shaqeynayaan, Sidaa darteed hadii uu jiro qof Muslim ah oo cid shaqaale ah gacantiisa ku jirto, ama nin/dumar kay doonaan ha quudiyo oo hasiiyo cunto ku filan inta qof cuno oo ha u xidho dhar inta qof dhar ka xidho oo yaan culays lagu saarin waxaanay qaban karin ama ogalayn oo hadiiba aad u dirtid, kacaawi shaqadaas.  Hadii aynu eegno iyadana sida aduunyadu udhowrto  xuquuqda shaqaalaha gaar ahaan Qaramada midoobay..waxaa u yaala xeer dhowraya shaqaalaha inay helaan mushahar fiican isla markaana helaan goob ama meel fiican oo lagu shaqeyn karo oo ah inaan shaqaaluhu kala kulmin wax xad gudub ama Qatar nafa hooda inta ay shaqeynayaan.

Tani waxa cadaynaysa inay jirto Hayad dhan oo la yidhaahdo, Hayada Shaqaalaha ee Qaramada Midoobay (Iinternational Labor Organization) oo u taagan inay ka caawisao wadamada aduunka inay sameysataan shuruuc caalamiya oo si cad u dhowraya xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha iyo inay ka hirgeliyaan ama klu dabaqaan shuruucdan wadamadaado.

Isna aynu eegno xeerka shaqaalah rayidka ee Somaliland; Wuxuu si cad u qeexayaa xuquuqda iyo waajibaadka shaqo ee muwaadiniinta”.

“Qodabka 9aad waxaa uu odhanayaa, Shaqooyinka aan xidhiidhka ahayn ee laqabto si aan isdaba jog ahayn waa inaanay ka badan isugeyn 10 saacadood maalintii, todabaadkiina 60 saacadood”.

Hadaba hadii aynu aragnay sida diinteeda suuban u dhowrtay xuquuqday shaqaalaha aduunkuna ugu tabaabusheysteen iyo wadankeenaba xeerarka jira ay u dhowrayaan xuquuqda iyo waajibaadka qofka shaqaalaha, waxaan jeclaan lahaa inaan yara dulmaro oon wax ka eegno noocyada shaqaalaheena wadanka ka shaqeysataa cida ay lo olog yihiin iyo weliba dhibaatooyinka la soo darsa koox waliba.. Waxaa jira ilaa sadex dabaqadood oo shaqaale weyne ah wadankeena waana sidan:-

1. Shaqaale weyne Dawlada u shaqeeya noocey doonaan ha ahaadaanee hadii ay yihiin (Shaqaalaha dawladda heer dhexe iyo mid hoose)…Shaqaalahani inta badan ma wajahaan wax sidaa u buuran oo tacadi  la xidhiidha xuquuqdooda iyo waajibaadkooda shaqo maxaa yeelay ma odhan karno waxay dugsadaan oo dhowraya xuquuqdooda xeerka shaqaalaha ee wadanka u yaala, balse waxay gabood ka dhigtaan had iyo goor markay la soo deristo arintan noocan oo kale isticmaalka (Hogaanka Qabiilka ama Odayaal). Shaqaalaha marka lagu tacadiyo reerkii uu ka dhashay ayaa markiiba ka jawaab celinaya oo odhanayo sax iyo qaladba waxa wax la yeelay inankii/inantayadii markaasaa waxaa u soo dhacmaya wax allaale wixii xuquu iyo waajibaad shaqo ee laduudsiyey. Loo shaqeeyahana waxa uu iska dhowraa inta badan inay isku dhacaan odayaasha qabqablaha reerka shaqaalaha. Shaqaalahani waxaan u malaynayaa waa shaqaale waynaha ugu tirade badan wadanka..

2. Shaqaale u shaqeeya Hayadaha caalamiga ah iyo shirkadaha waa weyn sida kuwa lacagaha xawila, telofoonada ha ahaadaan public ama private (kuwa dadweyne iyo kuwa gaar loo leeyahay). Qoladani wax badan oo dhiba ma wajahaan maxa yeelay waxay istcimaalayaan xeerar caalami ah oo lagu dabaqay kii wadan yaalay. Qofkasatana waxaa uu yaalaa waxa uu xeerkaa shaqaalaha siiyeey ama uu wax yeelo u gaystay. Kooxdan wax badan ka odhan mayo..

3. Kooxda sadexaad ee shaqaale weynaha wadanka waa shaqaalaha xirfadlayda ah ee maala muruqooda una shaqeeya goobaha shaqo ee gaarka loo leeyahay sida (Shirkadaha wadaniga dhismaha, Huteelada, Meheradaha laga dukaamaysto iyo Guryaha waxaana la yidhaahdaa (Domestic workers).

La Soco