Diintaa Sucuudigu Dalka Way Gubaysaa! Axmednagaashe

0
744

guddigaDanbi ma aha ee adoo degan ila eeg. Erayga diin waa kelmad af carbeed ah oo sida aan cilmi dhegoodka ku hayo macnaheedu yahay dhaqan, midhka qoraalkani durayaana waa kaa. Ma aha Diinta Islaamka ee adiga iyo aniguba aynu ku wada dhaadano.

Qoraalkani erayga uu adeegsaday waa kaa leh macnaha erayga “dhaqan”, isaga ayaanu durayaa oo dulucdiisu tahay. Waa dhaqanka dalkeena iyo dunida muslim ka labadaba ka huriyay halasaha colaadeed ee aynu ka hinqan waynay huqdiisa iyo halaagga uu ina baday. Dabka uu shido waxa ugu danbeeyay ka ay wadaadada dalkeenu todobaadyadii ina dhaafay afuufayeen ee ay ku doonayaan in ay nac iyo colaad aynaan galabsan soo waaridanno. Hadaad is waydiisay maxaa qoraalka haatan keenay, wuxu ku leeyahay inta wadaadadu nac abuurka ka daalayaan baan sugayay.

Ma u fiirstatay magaalada Hargaysa iyo guud ahaan dalkaba tododobaadadii ina dhaafay waxa ka socday masaajidadeena, ma is waydiisay waxa imika la inoogu bilaabayo cayda iyo colaada muslimiinta mad-habka shiicada haysta? Shiico hadii aanay dalkeena ku dhaqnayn maxaynu ka dheefaynaa habaarkooda iyo haaraan ba, colaada hurinteeda ma caano ayay ka dhamaan wadaadada toobabka gaagaaban xidhaa? Haa, oo masaariifta Sucuudigu muran iyo dhagar maleeg uun baa laga dheefaa! Hada toob cay ma aha, waa eray af carbeedka ka mid ah oo dadka Sucuudiga ah laftooda ayaaba marada aynu khamiiska u naqaan ee ay gaabsadaan wadaadada dalkeenu u yaqaan toob.

Markii huwanta Sucuudigu hor boodayaa ay bilaabeen weerarada ay ku qaadeen Yemen si ay u jabiyaan Xuuthiyiinta Shiicada ah, ayaa waxa mar qudha dalkeena ka bilaabmay khudbado, muxaadarooyin iyo baaqyo kale oo qolyahaa toobabka gaabsadaa ay dadka ugu sheegayaan in Shiicadu yihiin dad xun oo halis ku ah Diinta Islaamka. “Khatarta Shiicada” ayuu ahaa hal kudhegga ugu badnaa ee ay ku saleeyeen hurinta colaadu. Waxa ay qaarkood gaadheen in ay yidhaahdaan, gaalada, hada waa gaalada, ayaa inooga sokeeya Shiicada! Qof ashahaadanaya goorta gaal lagu doorsaday garan maayo, waa se dhaqanka Sucuudiga oo hadii Iran oo Shiico ah ay siyaasada gobolkooda kaga adkaan waayeen, diinta Sucuudigu way ogoshahay in ay Israel ehel ka dhigtaan.

Colaad iyo nac ayay ubadkeenii iyo ummada ba guud ahaan ku beerayaan, caqliga toobab gaabtu se wuxu garan waayay in cidda ay doonayaa in aynu colaadinaa aanay carrigeena joogin oo  naarta ay afuufayaan ay inaga uun ina gubi doonto. Waa arrin murugo iyo naxdin wayn ku abuurtay aniga iyo in badan oo kale oo dhabanada haystaba. Waa wax muujinaya sida ay ugu adeegayaan diinta Sucuudiga ee la qaad walaynaysa ta Iran. Waxa aad moodaa in ay dadka u akhriyayaan qoraallo wasaarada khaarajiga Sucuudigu soo saartay oo ay dadka nac iyo colaad u gelinayaan inta ay necebyihiin kuwa biilka siiyaa. Macnaha ay leedahay in ummad muslimiin ah aad colaad iyo nac u qaadaa garan maayo, waxa se laga dheefayo iyagaa sheegi. Shiicadu waa dad Alle iyo nabigiisaba garanaya, shanta arkaanu islaamka iyo lixda iimaankaba qiraya, isku qiblo aynu u wada jeedsano maalin kasta kolka aan inaga iyo iyaguba shanta salaadood tukanayno. Waxa keli ah ee aynu ku kala duwannahay waa mad-hab. Mad-habtu colaad ma sheegtee waxay muujiysaa quruxda diinta iyo sida ay caqliga basharka iyo kala duwanaanshaha fahamka u qadariso diinteenu. Ninka diidayaa isagaa Alle ku haysta oo doonaya inuu inna yidhaa Alle ummada garaadkooda mid qudha uun buu ka wada dhigay!

Dulqaadkii iyo naxariistii diintu ina bartay in aynu kula dhaqanno aadane ha joogee ugaadhu mee? Mise tolow waxa ay doonayaan dadka masaakiinta ah ee Yemen ka soo qaxaya in lagu gumaado dalkeena si ay janno bilaash ah u helaan ilayn waa caadadood oo diintaba qori iyo qudh gooyo uun bay u yaqaanaan iyaga iyo kuwa afarta xaashi laxooxa ah u soo mariyay intuba e! 

In ubadkeena colaad iyo karaahiyo lagu koriyaa tolow maxay ina gayaysiinaysaa, ma waxay wali ka indho saabanyihiin hoogga iyo halaagga Sucuudigu u dhoofiyo dunida muslinka ee hadh iyo habeen dhegta dhiiga loogu darayo dad aan waxba galabsan, danbiga ay ku dhintaana yahay waxa aad diideen diinta Sucuudiga iyo sida iyaga Islaamku la yahay? Masaajidadii Ilaahay lagu caabudayay ma moodaa in loo badalayo dhufayso ummadeena dhaqankeeda iyo dhegteeda lagu dilayo iyo weerar lagu hayo wax kasta oo Islaamkii qummanaa ee aynu naqaannay ah? Diinta Sucuudiga ee ay doonayaan in aynu u hogaansanaa miyaanay ahayn tan iyaga u fasaxday in ay ka fikiraan uun faa’iido aduun? 

Diintu ma in dad kaa fog la caayo oo muslimiinta la isku soofeeyaa? Nabi Muhammed CSW oo ay leeyihiin diintiisii baanu difaacaynaa ma dad buu caayi jiray? Xaasha, iyagu hadaba xagay ka keeneen dabeecad xumada cayda ay u tuulayaan cid kasta oo siday iyagu wax u arkaan si ka duwan u aragta? Tolow yaa ku yidhi idinka uun baa Alle u turjubaan ah oo cid kale ma af taqaan? Khudbadaha colaad alooska ahi maxay ina tarayaan, qof muslin ah oo colaad iyo xiqdi laga buuxiyay muxuu nolosha ku soo kordhin karaa, ma waxay doonayaan in ubadkeenu inaga inagu wada qarxaan, ilayn dad ay laayaan oo Shiico ahi dalka ma joogaane? Toob gaabtu tolow iyagu ma is waydiiyeen marna, oo damiirkoodu hadii uu soo jeedo ma ku dirqiyay, in ay kala gartaan godobta siyaasadeed iyo diinta Ilaahay sida ay u kala duwanyihiin? Mooyi!

Way u badheedheene, marnaba adigu ma is waydiisay waxa ay iskaga indho saabayaan in ay ka hadlaan danbiga ganacsatada inta ay kolba raashinka dadku u baahanyahay suuqa ka xidhaan doona inay deg deg uga macaashaan dayaca ummada, IXTIKAAR-ka miyaan diintu xaaraantinimayn, mise hadii aad idinkuba ganacsigaa ka faa’idaysaan danbi kuma jiro bay rumaysanyihiin? Diintu miyaanay ahayn ta dadka farta in la isku damqado oo aan la dayicin bulshada inteeda hoose, maxaad ka ogtihiin kuwaa mise idinku hadii aanu ilmhu doolar ku dhiganayn malcaamadiina dad ba ma aha, diintiinu kuwa ay sheegtayna kuma jiro? Kollay waan hubaa oo Ilaahay idinka aqbali maayo habaarka shiicadee, inta aad iska daysaan miyaad dadkiina roob doon u akhridaan?! Mise tolow dhaqankiina carrabku dafiraa waa ba doollar calayhi salaam!!

Ma is waydiiseen wali dadka aad xiqdiga iyo colaadka ku abuuraysaan in ay u dhaami lahayd in aad u marisaan casharo ka sheekaynaya naxariistii Rasuulka iyo sidii uu ugu dul qaadan jiray dadka inta ugu dhibta badan isaga? Muxammad kan aad hadh iyo habeen leedihiin seef buu sitay iyo saxaabadiisii baa dadka layn jiray maad dafiraadda ka daysaan, oo inta aad dar Alle u fikirtaan Siiradiisii suubanayd iyo sifahiisa Quraan ku inoo sheegay ee ah inuu ahaa naxariis Alle uunka u soo diray maad dadka bartaan?

Ma ogtihiin in Shiicada aad shayaadiinta iyo shar wadayaasha ku sheegaysaan ka karti iyo garaad ba sarreeyaan sheekhyadiina iyo shaadirro waynta ka talisa Khaliijka ee aad ka shidaal qaadataan? Ma ogtihiin in Shiicada Iran ay saynisyahannadoodu sameeyeeyn hubka ay iskaga horjoogaan reer galbeedkaa ku dhici la, halka sheekhyadiina garaadku dhagaxoobay iyo shaadirro waynta u talisaaba qof kasta oo garaad leh ay gawracaan? Ma ogtihiin in Shiicada Iran tahay ta keliya ee maanta iyagoo la siman la gorgortama dawladaha quwada waawayn ee reer galbeedka, halka idinka iyo kuwa aad ku daba kadlaysaan ba caqligiinu dhaafi waayay xabaasuud la cabbo iyo xaasas badan?!

Yaa macsharal toob gaab, Ilaahay ka yaaba oo kollay dhadhamaad u raacdeene Diintaa Sucuudiga bal inaga yareeya hore  inoo gubtaye colaad cusubna ha inoo soo rarina. Nacaybku saw ma ogidin in uu dilo uun qofka uu kashiisa u hoydo, ubadkeenu ha koraan oo bal dalkan in u fikirtaa ha ka soo baxdee billaahi calaykum naca iyo colaadda aad ku abuuraysaan ka daaya, oo garta toob gaabani in aanu diin ahayn, dunidana aan caday dheer iyo saliid la cabaa waxba ku sadin!