Xanta Iyo U Kala-Warranku Waxa Uu Dumarka Ku Abuuraa Firfircooni Badan Iyo Xiiso Dheeraad Ah

0
785

London (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa ay ka soo baxday natiijo sheegaysa in, dira-diraalaha iyo warka la kala qaadaa ay dumarka ku abuurto firfircooni iyo xaalad nafsiya oo dareensiisa in ay ku raaxaysanayaan ama farxad. Daraasaddan oo ay diyaariyeen aqoonyahanno ka tirsan jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanku waxa ay sheegtay in dira-diraalaha iyo warka badani ay firfircooneeyaan shaqada hormoonka Progesterone oo ka masuul ah hoos u dhigidda iyo daweynta warwarka iyo diiqadda nafsiga ah ee dumarka ku dhaca. Hormoonkani waxa uu sidoo kale xoojiyaa isku xidhnaanta iyo firfircoonaanta xidhiidhka bulsho ee dumarka u dhexeeya oo uu ka dhigo mid badhaadhe iyo farxad ka turjuma.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo uu Geeska Afrika natiijada daraasaddan ka soo xigtay ayaa sheegtay in cilmibaadhayaashani ay ogaadeen in dumarku ay aad u xiiseeyaan ka sheekaysiga arrimaa khuseeya dumarka kale ee aan markaa la joogin iyo xanta saaxiibbadaha markaas ka maqan, sidoo kale waxaa sheekadooda in badan ay ku arkeen in ay ku badan yihiin ereyada noqon kara isku dirka iyo war u kala qaadista ee ay midiba tan kale uga sheegeyso inta maqan iyo macaariiftooda kale ee dumarka ah.

Stephanie Brown oo ah bare-jaamacadeed oo daraasaddan ka qayb qaadatay ayaa tidhi, "In badan oo ka mid ah hormoonnada xoojiya xidhiidhka bulshada dhexdeedu, waxa uu hoos u dhigaa heerka diiqadda iyo warwarka ee qofka"