Lix Calaamadood Oo Uu Qofku Ku Garan Karo In Hurdadu Ay Ku Yar Tahay Iyo Natiijada Ka Dhalata (2)

0
560

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadan uu Geeska Afrika ku eegayey lix calaamadood oo qofku uu ku garan karo in jidhkiisu uu hurdada qawadayo:

3. Hargabka oo soo noqnoqda: Qofka oo aan habeenkii helin hurdo ku filan oo ugu yaraan 5 saacadood ah, waxa uu isku arkaa fayraska hargabka keena oo mar kasta firfircoonaada, sidaa awgeed waxaa ku soo noqnoqda hargabka. Khubarada caafimaadku waxa ay sheegaan in toddoba saacadood oo hurdo ahi ay yihiin inta ugu fiican ee ay tahay in uu qofku habeenkii seexdo, haddii shan saac ay ka hoosaysana uu caafimaadka qofku khatar ku jirayo.

4. Ilmo indhaha ka hoorta: Qofka oo aan habeenkii hurdo ku filan seexani waxa uu inta badan isku arkaa diiqad nafsi ah iyo niyadjab, taas oo aakhirka keenta in dhib ayr oo kasta oo ka hortimaadda uu u arko caqabad aanu ka gudbi karin, oohinna uu miciinsado. Calaamaddani waxa ay ku badan tahay dumarka oo haddii hurdo la’aantu ku badato ay ku dhacdo xaaladdan ah in arrin kasta oo macno daran ay u ooyaan, laakiin ragga inta badan oohintu kuma badna balse waxa ay isku arkaan niyadxumo badan iyo in mararka qaarkood ay quustu ku badato.

Khubarada caafimaadku waxa ay aamisan yihiin in hurdo la’aantu ay firfircooni ku abuurto maskaxda qaybteeda qaabilsan calool dabaca iyo naxariista, sidaa awgeed qofka hurdada ku yar tahay uu noqdo qof qalbi jilicsan oo wax kastaa ay si fudud qalbigiisa uga oohin karaan.

5. Qofka oo si sirgaxan u dhaqma: Hurdo ku filan oo uu qofku waayaa waxa ay wax badan ka beddeshaa dabeecaddiisa iyo hab-dhaqannadiisa oo dhan, waxa kale oo ay ku soo kordhisaa in uu isku arko ficiloo iyo hab-dhaqanno aan caadi ahaan inta badan qofka ka dhcin, sida in uu si joogto ah sharaabka ama shaaha isaga daadiyo miiska, in marka su’aal la weydiiyo ay jawaabteedu ilbidhiqsyo ka badato inta qofka caadiga ahi ku soo celiyo jawaabta, ama xitaa aad aragto in dalab yar oo laga codsaday, sida “Qalinkaa ii dhiib” oo fulintiisu waqti ka badan inta dabiiciga ah ku qaadanayso. Sababta arrimahan oo dhan keenaysaana waa culayska ay diiqadda iyo niyad-jabka ka dhashay hurdo la’aantu ku keenayaan maskaxda.

6. Gabow: Hurdo yaraantu waxa ay jidhka ku keentaa in uu soo saaro hormoonka sababa isku-buuqa, diiqadda iyo walbahaar, kaas oo marka uu muddo socdo aakhirka isna keena coodh-coodhka wejiga iyo sidoo kale baro madow oo wejiga fuula. Dhammaad

 

o:p>