Dawo-Guri Aad Kula Tacaali Karto Cabudhka Sanka Oo Xilliyadan Oo Kale Bata (3)

0
731

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayeu dhowrka hab ee iyada oo aan dhakhtar iyo dawo kiimiko ah loo baahan lagula tacaali karayo cabudhka sanka:

Tamaandhada:

Tamaandhada oo ka mid ah khudradaha ugu badan ee cuntada lagu karsadaa, sidoo kale waxa ay dalal badan ka tahay sharaab inta la shiido sidiisa loo cabbo, waxana ay khubarada caafimaadku sheegaan in ay leedahay faa’idooyin aad u badan. Haddaba faa’idooyinka caafimaad ee tamaandhada waxaa ka mid ah in lagula tacaali karo cabudhka sanka, gaar ahaan waxa ay suurtogelisaa in duufka iyo malaxda ku urura dulka sanku ay jilcaan kadibna soo dareeraan, taas oo ah sababta ay cabudhka u kaxaynayaan.

Habka: Koob tamaandho shiidan ah ayaa lagu darayaa hal malqacad oo toon la jarjaray ah iyo malqacad weyn oo liin dhanaan shiidan ah intaas ayaa dabka la isku saarayaa, marka ay karto kadibna waxaa lagu sii darayaa waxoogaa milix ah, kadib sida sharaabka caadiga ah ayaa loo cabbayaa.

Waxaa iyaduna muhiim ah in aynu ogaanno in cuntooyinka sidoodaba u kulul sida sinjibiisha, toonta, basasha, busbaaska cas iwm, haddii cuntada lagu daro in ay ka qayb qaataan yaraynta cabudhka.

Xulbadda:

Xulbadda samayskeeda waxaa ka mid ah maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa cabudhka, sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa.

Habka: Waxa aad isku dartaa malqacad ama laba malqacadood oo xulbad shiidan ah, iyo koob biyo ah, isku kari, kadib intaa qaboojiso marka ay kala fadhiisato miir, inta uu weli diirran yahayna cab. Haddii qofku uu sidaa yeelo laba ama saddex jeer maalintii, waxaa ka tegaya  cabudhka waxa aanay sidoo kale u fiican tahay guud ahaanba caafimaadka.

Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh, maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka. Dhammaad.