Fadhiga Golaha Guurtida Oo Maanta Furmaya Iyo Shacabka Somaliland Iyo Beesha Caalamka Oo Indhaha Ku Haya

0
468

Hargeysa(Geeska)-Mudanayaasha Golaha guurtida ayaa maanta isugu imanaya bilowga fadhiga xaasaasiga ah ee lagu gudo galayo muddo kordhinta mudada xileed ee Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Fadhigan oo si weyn indhaha loogu hayo ayaa waxa la filayaa in shirguddoonka golaha guurtidu ku soo jeediyo in la saaro guddi so naaqishta soona ururisa aragtiyaha dhinacyada ay muddo kordhintu khusayso ka dibna dib ugu soo celisa mudanayaasha. Hase yeeshe waxa jira xildhibaano ka soo horjeeda in guddi la saaro kuwaas oo ku talinaya in goluhu duuduub ku guddo galo mawduucan muddo kordhinta.

Dhinaca kale waxa dalka ku soo qulqulayo safiiro iyo diblomaasiyiin reer galbeed ah, ka dib  markii ay guuldaraysteen kulamo ay ergo ka socota Beesha caalamku la yeelatay shirguddoonka golaha guurtida oo ay kaga codsanayeen inaanay golahoodu samayn muddo kordhan ka baxsan wakhtiga ay guddiga doorashadu cayimeen, taas oo la sheegay in shirguddoonka guurtidu ku gacan saydhay ka dib markii ay ku doodeen inay u madaxbanaan yihiin hawlahooda shaqo. Waxa la filayaa in 48-ka saacadood ee soo socda ay magaalada Hargeysa soo gaadhaan wufuud balaadhan oo ka socota safaaradaha reer galbeedka ee Addis Ababa iyo Nayroobi kuwas oo u imanaya sidii ay golaha guurtida culays ugu saari lahaayeen inaanay samayn muddo kordhin ka badan wakhtiga ay guddiga doorashadu u mudeeyeen oo ah 1 June 2016.