Geeska Afrika Oo Helay Warqadii Maraykanku U Soo Diray Madaxweyne Siilaanyo

0
589

untitledHargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika wuxuu cadadkiisii 2233aad ee Salaasadii soo baxay akhristayaashiisa ugu soo gudbiyay macnaha guud ee uu xambaarsanaa dhambaal ay dawladda Maraykanku u soo dirtay Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Haddaba, wuxuu maanta Wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa u soo gudbinayaa dhambaalkas uu Maraykanku soo diray oo dhammaystiran. Dhambaalkan oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabay sida aanu ku xusnay cadadkii Salaasadii, ayaa waxaanu Wargeyska Geeska Afrika weli helin dhambaalka madaxweynaha oo dhammaystiran.  Warqaddan oo aan loogu tallo gelin saxaafadda, balse  uu Wargeyska Geeska Afrika helay nuskhad ka mid ah oo dhamaystiran waxaa dusha sare kaga suntan Safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, qaybteeda qaabilsan arrimaha Soomaaliya, uuna ku saxeexanyahay ergayga Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaalida danjire James P. McAnulty,  waxa aanay ku taariikhaysan tahay, April 22, 2015ka.

Haddaba warqaddaas sida tooska ah ugu socotay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u turjumay sidan ayaa ay u dhignayd, “Mudane madaxweyne, Waxa aanu dhowaan ogaannay, in masuuliyiin ka mid ah golahaaga wasiirrada iyo xubno ka tirsan golaha guurtidu ay ka hawlgeli doonaan, sidii ay doorashada laba sano dib ugu dhigi lahaayeen, halkii ay ka ahayd in ay dib u dhacdo halka sano, ee ay dhowaan soo jeediyeen Komishanka doorashooyinka Qaranka ee Somaliland (NEC). Waxa aan doonayaa in aan kuu soo gudbiyo walaaca weyn ee aan ka qabo in ficil noocaas ah lagu kaco, kaas oo aan u tixgelin doonno in uu hagar-daamo khatar ah ku yahay hor-u-socodka dimuqraadiyadda Somaliland  oo sannadihii la soo dhaafay gaadhay guulo waaweyn. Dib-u-dhac dimuqraadiyadeed oo noocaas ahi waxa uu wiiqi doonaa hawlaha adag ee aanu hadda kaga qayb qaadanayno siyaasadda iyo dhaqaalaha Somaliland. Waxa aan si dhab ah uga niyad-jabsanahay in qaar ka mid ah masuuliyiintu laga yaabo in ay diyaar u yihiin in horu-socodkaas muddada dheer sii jiraya ee Somaliland gaadhay ay u sadqeeyaan helitaanka faai’do siyaasi ah oo muddo gaaban jirta.

Somaliland, waxa ay illaa hadda leedahay diiwaan fiican oo ah u hoggaansanaanta mabaadii’da dimuqraadiyadda, taas oo ay u soo martay qabashada doorashooyin badan oo u dhacay si xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo. Marka horeba waxaa ayaan-darro ahayd in doorashooyinku aanay dhacayn waqtigoodii asalka ahaa oo ah sannadkan 2015ka, iyada oo ay weliba jirtay in ay shaki weyn ka muujiyeen (Dib u dhacaas) qaar badan oo ka mid ah dhinacyada caalamiga ah ee ka qayb qaata hawshan oo uu Maraykanku ku jiro.  Waxa aan fahamsanahay in dhammaan dhinacyada ay khusaysaa, in kasta oo ay qaarkood cago jiidayeen, ay aqbaleen jadwalka cusub ee uu Komishanka doorashooyinku soo jeediyey ee ah bisha Juun 2016.

In laba sano doorashada dib loo riixaa, waa wax aan la aqbali karin, dhinacyada ka-qayb qaata ee caalamiga ahina tallaabo noocas ah waxa ay u arki doonaan xeelad siyaasadeed oo loogu danaynayo canaasiir gaar ah, oo ay ka mid yihiin xildhibaannada aan la soo dooran, ee dhaxaltooyada ah ee Guurtida, si ay awoodda sharci darro ugu sii fadhiyaan, sharciyaddoodu marka ay dhammaato kadib.

Mudane, Waxa aan si niyad ah u rajaynayaa, in maamulkaagu uu muujin doono geesinimo siyaasadeed iyo madaxnimo ay ugu hoggaansamaan soo jeedinta Komishanka doorashooyinka, sidii horeba sida ballaadhan wacadka loogu galay, oo maamulkaagu uu baahida dadka reer Somaliland ka horumariyo danaha shakhsiga ah ee ay leeyihiin dad aad u tiro yari.