Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Farriin U Diray Guddoomiyaha Golaha Guurtida

0
682

Picture6Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ka hadlay kulanka Maanta ee Golaha Guurtida iyo Guddi Guurtida ee la filayo in loo saaro muddo kordhinta Xukuumadda, waxaanu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ugu digay in aanu ka hor iman ,heshiiska ay gaadheen Axsaabta iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan,oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey yidhi “Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Saddexda Xisbi waxay isla garteen in Doorashadu dib u dhacdo, muddo Sannad ah, oo Doorashooyinka Madaxtooyada  iyo Golaha Wakiilada oo isku lamaan la qabto Bisha Lixaad ee Sannadka danbe, sidaas ayaa lagu heshiiyey, oo Muxaafid iyo Mucaarad lagu wada qancay, laakiin in Golaha Guurtidu soo dhex gasho, oo ay tidhaahdo anaga ayaa muddo kordhnta xaq u leh, iyada oo aanay meesha oolin sabab keeni karta muddo kordhin waa sharci daro, Dastuurkana ma waafaqsana, muddo kordhin ka badan hal Sanno-na wax la yeelayo maaha”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Beesha Calaamka, Midawga Yurub, Wadamada Afrika, Qaramada Midoobay, Madax dhaqameedka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo Shacabka reer Somaliland way ka soo horjeedaan muddo kordhin ka badan Sannadkaas lagu heshiiyey, raalina kama aha, Guddoomiyaha Guurtida hadalkii dhawaan ka soo yeedhaynaa hadal  wacan muu ahayn, waxaana Saleebaan uga digayaa inuu gacmihiisa ku gawraco dimuqraadiyada Somaliland, waxaana kula talinayaa inuu sharaftiisa iyo sumcadiisa ilaashado, oo  aanu ka hor iman danaha iyo maslaxda Shacabka Somaliland iyo waxa lagu heshiiyey, waxaana ugu baaqaya inuu ixtiraamo heshiiska Axsaabta iyo Komishanka Doorashiiynka, oo aanu eegin maslaxada cid gaar ah”.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha waxa uu yidhi  “Madaxweynuhu markii uu Mucaaradka ahaa aad ayuu u dhaliili jiray oo xaaran ayuu ku tilmaami jiray muddo kordhintii Xukuumaddii hore ee  Daahir Rayaale uu Madaxweynaha ka ahaa, markaas waxa aan garan la ahay waxay Maanta xalaal u noqotay muddo kordhintaas uu xaaranta ku tilmaami jiray iyo sababta ay u difaacayaan Rag badan oo aad u dhaliili jiray Guurtida iyo  Xukuumaddii hore, kuwaas oo odhan jiray Maalin lagu dari maayo Daahir Rayaale, halka ay Maanta ka leeyihiin waa qasab cidna laga baryi maayo muddo kordhinta, waxaana Guurtida kula talinayaa in dano gaar ah aanay ka doorbidan danaha caamka ah ee dalka iyo dadkaba danta u ah, isla markaana tixgeliyaan heshiiska Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka”.