Mujaahidiin Iyo Dhallinyaro Guurtida Uga Digtay Muddo Kordhin Siyaasiya

0
517

Picture1Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah mujaahidiinta Beelaha Arab ayaa golaha guurtida uga digay muddo kordhin aan waafaqsanayn soo jeedinta guddiga doorashooyinka, waxaanay u soo jeediyeen inay muddo kordhinta ku saleeyaan wakhtiga uu guddiga doorashadu doorashooyinka u cayimay.

Mujaahid Maxamed Biixi Caalin(Muj.Ooto ), ayaa si adag uga digay muddo kordhin ay golaha Guurtida Somaliland u sameeyaan xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu farta ku fiiqay in guddoomiye Saleebaan uu doonaayo in uu muddo kordhin aanay saddexda xisbi iyo komishanku isku waafaqsanayn uu u kordhiyo xukuumada hada jirta.

 “Maalmahan wadanka khilaaf xoog leh ayaa ka taagan oo ku saabsan muddo kordhinta doorashooyinka. Waxa weeye Komishanka doorashooyinka qaranka, xisbiyada mucaaridka ah iyo dowladu-ba waxa ay isla qaateen in hal sanno lugu darro, hasa-ahaatee mushkilad kale ayaa soo koradhay oo ah ninka la yidhaa Saleebaan e guddoomiyaha golaha Guurtida.”.Ayuu yidhi Mujaahid Otto Biixi. Mujaahid Otto Biixi, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi;“Saleebaan halkan waxa uu ka yidhi guurtiday dhagaha furaysta, hadaba waxa aanu leenahay dhagaha iyo indha-haba hadaad furaysato waxa caalamka. umadda iyo xisiyaduba ku heshiiyeen saacad kuma dari kartid ayaan leenahay.”.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Cali Cismaan iyo Mujaahid Cali Cabdi Cilmi (Cali Curi) oo si adag golaha guurtida ugaga digay inay sameeyaan muddo kordhin siyaasadeed. Laakiin Mujaahid Cali-Curi ayaa markii uu shirka jaraa’id dhammaaday xabsiga loo taxaabay.

Sidoo kale dhallinyaro kale ayaa iyaguna shirka jaraa’id ka hadlay, kuwaas oo jeediyay khudbado la mid ah hadalada mujaahidiinta ee ah farriinta ay u direen golaha guurtida.