Wiilasha Ardayda Ah Haddii Ay Is Bartaan Hablo Qurux Badan Waxbarashadoodu Aad Ayey Hoos Ugu Dhacdaa

0
810

Amsterdam (Geeska)- Daraasad dhinaca xidhiidhka bulshada ah oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dumarka quruxda badani ay ragga ka dhigaan kuwo u muuqdo doqmo, daraasaddan oo lagu sameeyey dalka Netherlands waxa ay sheegtay in ugu yaraan xilli kooban ay gabadha quruxda badani ka dhigi karto ninka doqon.

Aqoonyahanno ku xeeldheer cilmiga xidhiidhka bulshada oo ka tirsan jaamacadda Radboud oo ku taalla magaalada Nijmegen ee bariga dalka Netherlands ayaa muddo baadhis cilmi ah oo ay ku samaynaysay koox rag dhalinyaro ah, ka hor iyo kadib markii ay barteen hablo aad u qurux badan, waxa ay ogaadeen in ninku aanu awood u lahayn fikir cad iyo in uu si karti leh uga baaraan dago arrimihiisa xilliga ay la joogaan iyo wax yar kadib marka ay la kulmaan dumar jacayl ay u qabaan oo qurux badani.

Dhanka kale waxa ay khubaradu daraasaddan ku ogaadeen in dhibaatadan ragga maskax ahaan qabsata marka ay la kulmaan ama arkaan gabadh ay jecel yihiin ama xiiseeyeen oo qurux badani aanay ku dhicin dumarka iyaga aanu wax isbeddel ahi maskaxdooda ku dhicin marka ay la kulmaan ama bartaan rag qurux u dhashay.

John Karimanz  oo madax u ahaa kooxda aqoonyahannada ah ee daraasaddan samaysay ayaa isaga oo sii faahfaahinaya waxa uu yidhi, "Daraasaddani waxa ay si fiican u fasirtay sababta keenta in dhalinyarada ragga ahi waxbarashadoodu hoos u dhacdo marka ay jeclaadaan ama bartaan gabadh quruxley ah, halka hablaha aanu wax is beddel ahi ku dhicin" Karimanz iyo saaxiibadii intii ay wadeen daraasaddan waxa ay si cilmi ah u baadheen heerka maskaxeed ee kooxo dhalinyaro ah, waxa ay eegeen maskaxdooda iyo heerka fikirkoodu taagan tahay ka hor iyo kadib markii ay barteen ama la kulmeen hablo aad u qurxoon, iyaga oo labada jeerba ka qaaday imtixaanno. Daraasaddan uu Geeska Afrika afsoomaaliga u soo turjumay oo ay faafisay jariiradda FOCUS oo ah jariirad cilmiya oo ay jaamacadda Radboud leedahay waxa ay khubaradu ku sheegeen in raggu marka ay bartaan dumar quruxda badan ay ku mashquulaan kuna indho daraan daraan taas oo meesha ka saarta awooddii iyo tamartii maskaxeed ee ay ku eegi lahaayeen waxyaabaha kale kuna fikiri lahaayeen. Halka joogitaanka ragga quruxda badani aanu wax saamayn ah ku yeelan maskaxda iyo fikirka dumarka.